Paul Scholes Oo Ku Yiri Man United: “Fadlan Soo Ceshta Xiddigaan, Wuxuu Aad Uga Fiican Aaron Wan-Bissaka”

Paul Scholes ayaa dareensan in qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee Diogo Dalot uu u soo bandhigay AC Milan kulankii Old Trafford inay keeni doonto inay kooxdiisa hore xiddigaan da’da yar soo ceshato dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Inkastoo uu yahay xiddig ay iska leedahay Man United Dalot ayaa ka horyimid Red Devils kulankii Europa League ee xalay isagoo amaah ku jooga kooxda weyn ee Talyaaniga ee AC Milan.

Xiddigaan ayaa amaah lagu diray xagaagii ka dib markii uu ka dhacay dhanka doorashada laakiin wacdarro ayuu dhigay kulankii shalay iyadoo Milan ay Old Trafford kala tagtay gool marti ah oo qaali ah.

Isagoo u hadlayay BT Sport, xiddigii hore ee Man United Scholes ayaa amaanay 21 jirkaan reer Portugal isagoo sheegay inuu wax ka duwan waxa ay haatan kooxda heysato uu ku soo kordhin karo.

Advertisements

“Wuxuu u muuqdaa wiil aad u fiican, si fiican ayuu u hadlaa” ayuu yiri Scholes.

“Wuxuu qaatay go’aanka saxda ah isagoo boos joogta ah ka helay koox weyn. Si weyn ayay u anfici doontaa taas.

“Wuxuu ka ciyaaray boos aan booskiisa aheyn caawa, garabka bidix laakiin xitaa karoosyadiisa cagta bidix waxay ahaayeen kuwa cajiib ah. Waxaan qabaa in difaacasho ahaan uu wax walba u sameeyay sidii ugu habooneyd.

“Sidee halkaas ku danbeyn doonaa? Waxaan qabaa inuu soo laaban doono dhamaadka xilli ciyaareedka.” ayuu yiri.

“Kulamada xilli ciyaareedka cusub ka horeeya ayaa wax weyn u noqon doona. Waa inuu cadaadis saaro Wan-Bissaka.

“Aad ayuu uga duwan yahay Wan-Bissaka. Waan ognahay in Wan-Bissaka uu difaacashada ku fiican yahay laakiin wiilkaan ayaa kaga tayo fiican marka ay timaado dhanka weerarka garbaha.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*