Paul Merson Oo Shaaciyay Sababta Unai Emery U Diidan Yahay Inuu Ciyaarsiiyo Mesut Ozil Xitaa Kulamada Kooxaha Yaryar

Advertisements

Halyeeyga Arsenal Paul Merson ayaa ka baryaya tababare Unai Emery inuu ciyaarsiiyo Mesut Ozil mar kale, laakiin waxa uu sheegay inuusan ciyaarsiin doonin.

Ozil ayaa boos ka waayay Arsenal xilli ciyaareedkan iyadoo tababaraha uu ka doorbiday xiddigaha sida Dani Ceballos iyo Joe Willock.

Emery ayaa sheegay isbuucii la soo dhaafay in Ozil uusan u qalmin safka kooxda marka loo eego xiddigaha kale ee uu heysto, waxaana ay u muuqataa in waayaha ciyaareed ee xiddiga khadka dhexe ee Arsenal inuu soo dhamaaday.

Shan ka mid ah todobada kulan ee soo socda ee ay Gunners ciyaareyso waxa ay la dheeli doontaa kooxaha kaalimaha hoose, waxaana uu Merson ku baaqay in kulamadaas la ciyaarsiiyo Ozil.

“Madaama kulamadaan ay soo socdaan, Arsenal waxa ay kubada heysan doontaa boqolkiiba 70. Ozil xaaladahaas oo kale wacdarro ayuu ku dhigaa.” ayuu Merson ku qoray Daily Express.

“Unai Emery waa inuu ciyaarsiiyo. Laakiin waan ogahay ma ciyaarsiin doono.

“Haddii uu ciyaarsiiyo Ozil oo ay badiyaan waxaa qasab ku noqoneyso inuu sii ciyaarsiiyo, tababarahana sidaasi ma doonayo. Tababaraha wuxuu doonayaa inuu iska fasaxo Ozil.

Advertisements

“Haddii ay taasi qorshaha tahay waa inuu candhuuftiisa dib u liqo oo uu iska iibiyo bisha Janaayo wax walba oo dhaca”

Kulanka soo socda ee Arsenal waxa ay habeenka Isniinta ee 21ka bishaan October la ciyaari doonaan Sheffield United waxaa ugu xiga Crystal Palace , Wolves , Leicester , Southampton , Norwich iyo Brighton.