Paul Merson Oo Ku Dhaartay In Liverpool Ay Horyaalka Qaadi Doonto Haddii Uu Jurgen Klopp Xiddigaan Ciyaarsiiyo Todobaad Walba

Advertisements

Jurgen Klopp waa inuu todobaad walba ciyaarsiiyo Thiago Alcantara haddii ay Liverpool dooneyso inay difaacato koobka horyaalka, sidaasi waxaa yiri khabiirka Sky Sports Paul Merson.

Xiddiga reer Spain ayaan muddo badan u dheelin Reds tan iyo markii uu yimid xagaagii isagoo ay jahwareeriyeen dhaawacyo.

Laakiin mudadii koobneyd ee uu ciyaaray wuxuu ahaa mid maamulayay ciyaarta isagoo soo bandhigay tayadiisa caajiibka ah.

Hal abuurkiisa ayaa heer kale u qaadaya weerarka Liverpool, iyadoo kooxaha ka soo horjeeda Reds ay durbaba la qabsadeen taatikadii hore ee Klopp ee aheyd inay boos ka raadiyaan daafacyada gadaashooda.

Thiago ayaase awood u leh inuu dhiibo baasas loo bedeli karo goolal, waana sababta uu xiddigii hore ee Arsenal Paul Merson uu u aaminsan yahay in Reds ay koobka ku qaadi karto xiddiga reer Spain.

Merson ayaa u sheegay Sky Sports: “Waxaan dareemayaa in kooxaha ay haatan ku soo dhawaanayaan Liverpool, ma siinayaan boos banaan, waxay ka xiranayaan darbi weyn.

“Liverpool waa ay dhibtooneysaa isku xir khadka dhexe la’aan. Waxay u baahan yihiin in Thiago uu dheelo todobaad walba. Waa isaga midka arki kara baaska goolka lagu keenayo.

“Waxaan u maleynayaa in Jurgen Klopp uu ka warqabo arintaan, sababtoo ah wuxuu xitaa soo geliyaa Xherdan Shaqiri oo ahaa qof aan hore loogu fekerin inuu daqiiqad kale u dheeli doono Liverpool. Laakiin Shaqiri wuxuu baas ka dhex bixin karaa cirbada isheeda.

“Liverpool weli waa kooxda ugu fiican dunida laakiin marka aan boos banaan la siinin waa ay ku adkaataa inay gooldhaliyaan.

“Thiago waa qasab inuu dheelo isbuuc walba. Wuxuu arki karaa baaska goolka lagu dhalinayo, cadeyn ayaan u heynaa kulamadii ugu danbeeyay. Mar walba kuma guuleystay laakiin waa uu ildheer yahay.

“Khadka dhexe ee Liverpool iyaga ayaa wax walba ka danbeeya – waa geesiyaasha aan loo heesin. Iyaga la’aantood waxba uma qabsoomi laheyn Liverpool.

“Waxay ilaaliyaan afarta daafac danbe, waxay u fasaxaan daafacyada garbaha inay weerar tagaan, waxayna u ogolaadaan seddexda afka hore inay sameeyaan wixii ay doonaan.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*