“La Yaab Iguma Ahan Inuu Ku Biiray Paris Saint-Germain, Waa Hoyga Ciyaartoyda Aan Akhlaaqda Laheyn”

Advertisements

Xiddigii hore ee Talyaaniga Paolo Di Canio ayaa ku weeraray weeraryahanka reer Argentina Mauro Icardi inuu yahay gooldhaliye aan sameyn karin waxyaabaha laga doonayo gooldhaliye waqtigaan casriga ah.

Waxaana uu ku tilmaamay kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain inay hooy dabiici ah u tahay ciyaartoyda aan akhlaaqda laheyn.

Xiddigii hore ee Lazio iyo West Ham ayaan taageere u aheyd weeraryahanka amaahda ugu biiray PSg ee ay leedahay kooxda Inter Milan isagoo uga hadlay wareysi uu siiyay wargeyska Il Mattino.

“Waa maxay sababta uu Carlo Ancelotti u doonayo inuu Napoli keensado qof sida Icardi oo kale ah? Qof aan awoodin inuu ka raaligeliyo asxaabta ay isku kooxda yihiin hadalka xaaskiisa iyo wakiilkiisa?

“Waxaa taas sii dheer in Maurito uu kaliya gool dhalin marka karoos la soo dhigo. Wixii ka soo hara ma awoodo inuu sameeyo waxyaabaha ay tahay inuu goodhaliye sameeyo waqtigaan casriga ah.

“La yaab iguma ahan inuu aaday Paris Saint-Germain, waa hoyga dabiiciga ah ee ciyaartoyda aan akhlaaqda laheyn.”

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Miyay Mason Mount & N'Golo Kante Diyaar U Yihiin Kulanka Liverpool? Tababare Lampard Oo Su'aashan Uu Sugayay Taageere Kasta Oo Chelsea Ahi Ka Jawaabay.

Mauro Icardi ayaa ku biiray kooxda Paris Saint-Germain xagaagan isagoo ugu wareegay heshiis amaah ah inkastoo kooxda Faransiiska ay qiyaar u leedahay inay iibsato xagaaga danbe.

Advertisements

Paris Saint-Germain aya sannadihii ugu danbeeyay dhib ku qabtay inay wadada toosan marsiiso xiddigahooda waa weyn iyadoo Neymar uu xagaagan isku dayay inuu ku laabto Barcelona isagoo aan weli u dheeli kooxda xilli ciyaareedkan.

Rabiot oo si xor ah uga tagay xagaagan ayaa isna u dheelin Barcelona xilli ciyaareedkii la soo dhaafay markii uu diiday inuu qandaraas kordhiyo, hadalka hadalo xanaf leh ay ku hadleen xiddigaha Kylian Mbappe iyo Edinson Cavani.

Comments are closed.