Orodyahan Kenya U Dhashay Oo Maanta Dhigay Rikoor Aan Abid Caalamka Laga Dhigin

Advertisements

Eliud Kipchoge ayaa noqday orodyahankii ugu horeeyay ee orodka maradoonka ku dhameeyay in ka yar labo saacadood, waligeed dunida kama dhicin.

Orodyahanka reer Kenya oo 34 sanno jir ah ayaa 42.2 kiilomitir waxa uu ku orday hal saac, 59 daqiiqo iyo 40 ilbiriqsi, isagoo rikoorkaan ku dhigay caasimada Austria ee Vienna.

Laakiin rikoorkiisa looma diiwaangelin doono inuu yahay mid rasmi ah madaama uusan aheyn tartan rasmi ah iyadoo dadkii la ordayay ay ahaayeen kuwa marba isbedelayay si ay u garab ordaan.

Xiddiga heysta bilada dahabka ee Olimbikada ayaa 25 ilbiriqsi kaliya u jirsaday inuu 2 saacadood ka yar ku ordo markii ugu danbeysay ee uu isku dayay inuu dhigo rikoorkaan sannadkii 2017.

Madaama ay ogaayeen inuu taariikh sameynayo, xiddigihii la ordayay ayaa dib uga degay Kipchoge si uu isaga kaligiis u gudbo xariiqda.

Xiddiga afarta jeer ku guuleystay maradoonka London ayaa xabadka geliyay xaaskiisa Grace waxaana uu qaatay calanka Kenya ka hor inta aysan ku soo xoomin xiddigihii la ordayay kuwaasoo iyagaba ka koobnaa orodyadana ugu fiican ee tartanka maaradoonka dheer iyo midka dhexe.

Xiddigaha la ordayay ma aheyn kuwa orodka la soo bilaabay Kipchoge waxay ahaayeen kuwa hadba marka ay daalaan ay sii bedelayeen kuwa kale si ay u garab ordaan xiddiga rikoorka caalamiga ah dhigay.

42 orodyahano ayaa isku bedbedelay inay garab ordaan Kipchoge oo ay ku jiraan xiddiga heysta bilada dahabka ee orodka 1500 mitir Matthew Centrowitz, xiddiga heysta bilada qalinka ee orodka shanta kun mitir Paul Chelimo iyo walaalaha orodka ku caan baxay Jakob, Filip iyo Henrik.

Advertisements

Rikoorka rasmiga ah ee ka diiwaangashan xiriirka ciyaaraha fudud ee Adduunka isla Kipchoge ayaa heysta isagoo ku orday labo saac hal daqiiqo iyo 39 ilbiriqsi tartan ka dhacay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka sannadkii 2018.

Laakiin Kipchoge waa ninka kaliya ee maanta sheegan kara inuu tartanka maradoonka dheer ku orday in ka yar labo saacadood, mana jiro qof dunida ku nool oo waqtigaan rikoorkaas la heysta.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*