Ole Gunnar Solskjaer Oo Magacaabay Laacibkii Ugu Fiicnaa Manchester United Kulankii Ay Garaaceen Man City

Ole Gunnar Solskjaer ayaa si gaar ah u amaanay weeraryahanka Manchester United Anthony Martial ka dib doorkii cajiibka ahaa ee uu ka qaatay guushii ay shalay ka gaareen kooxda Manchester City.

Advertisements

Red Devils ayaa soo gabagabeysay rikoodhkii guuldarro la’aanta ee deriskooda ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Bruno Fernandes iyo Luke Shaw, inkastoo ay weli 11 dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee CIty.

Martial ayaa la dhibtoonayay qaab ciyaareed xumo xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay kaliya afar gool horyaalka laakiin wuxuu Man United u keenay rigoore daqiiqadii ugu horeysay ee ciyaarta halka uu uu hanjabaad joogta ah ku hayay City ciyaarta oo dhan.

Solskjaer ayaa ku farxay saameynta uu Martial yeeshay kulankii Etihad wuxuuna rajeynayaa inay bilow u tahay inuu ku soo laabtay qaab ciyaareedkiisii hore.

Advertisements

“Waxaan qabaa in Anthony uu wacdarro dhigay maanta. Wuxuu ahaa Anthony-gii hore” ayuu Solskjaer u sheegay Sky Sports ciyaarta ka dib.

“Isbedel ayuu ku sameeyay qaab ciyaareedkiisa, wuuna ku dhegay, waxaana ka fekerayaa inuu saaka ahaa mid shaki ku jiray inuu ciyaari karo.

“Labo saacadood ka hor ciyaarta ilaa iyo waqtigii iskululeynta, ma hubin inuu dheeli karo iyo in kale. Waa fantastik. Si la mid ah ayay aheyd Luke Shaw.”

Markii la weydiiyay sababta Martial uusan sidaan oo kale ugu dheelin inta badan, Solskjaer ayaa ku jawaabay: “Waa kubada cagta, miyaysan aheyn? Dabcan maanta wuxuu dib u helay sidii uu ahaan jiray. Aad ayuu ugu xooganaa kubada.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*