Ole Gunnar Solskjaer Oo Digniin Adag U Diray Liverpool Kaddib Markii Ay Hoggaanka Kala Wareegeen

Advertisements

Ole Gunnar Solskjaer ayaa hanjabaad usii diray Liverpool oo ay Axadda ugu tegayaan garoonka Anfield, xilli ay kooxdiisu hoggaanka Premier League ku qabatay saddex dhibcood oo nadiif ah.

Manchester UNited ayaa hoggaanka horyaalka qabatay bisha January markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 2013kii oo ahayd markii ugu dambaysay ee ay horyaalka Premier League qaadaan.

Red Devils ayaa ku riyoonaysa inay horyaalka ku guuleysato horyaalka siddeed sannadood oo ay ka qatanayd kaddib, laakiin si ay riyadaasi ugu sii socoto waxay u baahan yihiin inay meel iska saarto Liverpool oo ay ka adkaato si ay lix dhibcood uga sarrayn karto.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in guushii ay xalay ka gaadheen Burnley iyo hoggaanka horyaalka Premier League ee ay qabteen xilli uu kala badh ku dhow yahay xilli-ciyaareedku, in taasi ay muujinayso inay mar kale gaadheen halkii ay kooxdu doonaysay inay tagto oo ah figta ugu sarraysa, isagoo dhinaca kalena tilmaamayy inay saddexda dhibcood ka qaadan doonaan Liverpool.

Solskjaer oo ka hadlaya kulanka Liverpool ayaa yidhi: “Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka badino. Waxaanu hadda ku raaxaysanaynaa, kulankanna waxaanu u qaadanaynaa kii ugu horreeyey ama ugu dambeeyey, waana isbeddel weyn.

“Laakiin waxaananu ognahay inaanu la ciyaarayno kooxda ugu wanaagsanayd horyaalka sannad iyo badhkii ugu dambeeyey. Waana horyaalka hadda.”

Ole Gunnar Solskjaer waxa uu sheegay inay kulanka Liverpool uu u noqon doono imtixaan weyn, waxaanu yidhi: “Waxaanu rajaynaynaa taas (guul), waxaanay noo noqon doontaa imtixaan maadaama aanu halkaas ugu tegayno koox wanaagsan.”

Kooxdiisa Manchester United ayuu sheegay inay sii wanaagsanaanayso marba marka ka dambaysa, waxaanu yidhi: “Waanu sii wanaagsanaanaynaa. Si fiican ayaanu halkan ugu ciyaarnay kulankii aanu martida ku ahayn ee waqtigii ciidda masiixiga laakiin dabcan waxa niyadjab ahaa kulankii garoonkayaga.

“Waxa aanu hadda joognaa badhtamaha xili ciyaareedka, markaa waxay tani tilmaamaysaa in aanu joogno halkii aanu doonaynay, hase yeeshee cidina ma xasuusan doonto miiska kala-sarraynta sida uu ahaa January 12.”

Manchester United waxay saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka kusoo badisay min hal gool oo kaliya.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

3 Fekradood

  1. Is waalwaalka aan meel jirin halka Lagu Soo afjari Lahaa Waa Anfield marka Iska keeen dheh koleyba meel libaax Wax Ka Keeni wayay bisad Wax Ka Keeni meyse.

  2. 😂😂😂😂 Woman united 5 beri keliya ha u heestaan ku meel gaar ahaan waxaan dareemaya ninka webkan iska leh inuu woman’s United taagero lkn is qarinayo axada hadii alle idmo kadib aan koment kuso qoraa marke so dhamato anfield mana ahan sida guryaha leska so galo lkn ado niyad jabsan aya so qori doonta qoraal aan laga daremen in laga badiyay

  3. united iyada oo haysa hogaanka janary lege lagama qaadin taarikhda Anfeild 5 tii sano ee udambeysay liverpol waxay ka badisay united 2 kulan mid ahaa 2-1 iyo mid ahaa 3-1 markaa anfeil maaha meel ay manchestar ka baqato waana kooxda ugu badan ee ku badisa anfil roed viva m.united rugcadagi soo rogaal celi janauray man utd oo liga dhibco ku qabata lagama qaado keep going aamusa haween yahay maruaha cascas

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*