NIYAD-JAB: Qolka Labiska Barcelona Oo Isku Bedelay Goob Tacsiyeed Kaddib Kulankii PSG & Sida Uu Messi Sababta Ugu Ahaa

Qolka labiska kooxda Barcelona ayaa la xusayaa inuu noqday goob murugo iyo tiiraanyo badan leh kaddib kulankii ayaa dhawaan guuldarrada bahdilka ah kala kulmeen dhigooda Paris Saint-Germain ciyaar ma tirsanayd wareega 16-ka Champions League.

Advertisements

Wargeyska kasoo baxa magaalada Barcelona ee Sport oo ah mid aad xog ogaal ugu ah Barca ayaa xusaya in qalbi jabkii Lionel Messi ee kaddib kulankaasi uu saamayn ku yeeshay xiddigaha kooxdiisa.

Messi ayaa kulanka kaddib gacan qaaday shaqsiyaad ay kamid ahaayeen Mauro Icardo, Leondro Paredes iyo Mauricio Pochettino oo ay isku dal yihiin balse awoodi waayay inuu fool ka fool u eego.

Warbixinta Sport ayaa sheegaysa in xataa Gerard Pique oo intii garoonka lagu jiray aad u qaylinayay uu noqday mid aamusan markii qolka labiska la tagay.

Advertisements

Saddexleydii goolasha ahaa ee uu Mbappe u dhaliyay PSG iyo Moise Kean ayaa ka dhigan in Barca ayaa si dadban durtaba uga sii hadhay Champions League.

Dabcan Barcelona ayaa guul weyn oo soo laabasho ah ku dishay PSG sanadkii 2017 iyagoo taariikh culus ku dhigay oo 6-1 kaga adkaaday kaddib markii 4-0 ay kusoo guuldarraysteen lugtii hore.

Laakiin taariikhda ayaa u muuqata markan mid aad ay u adagtahay inay dib isku soo celiso oo ay Blaugrana guul kale oo soo rogaal celis ah gaadho.

Qalbi jabka kasoo gaadhay kulan kale oo Yurub ah ayaa ah mid aan ku cusbayn Lionel Messi kaddib markii ay Bayern Munich qaab ceeb ah uga reebtay CL xilli ciyaareedkii hore isla markaana ay hore u reebeen Liverpool iyo AS Roma.

Advertisements

 

 

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*