Ninka 3aad Ee Dunida Ugu Taajirsan Oo AC Milan Iibsanaya – Lionel Messi & Pep Guardiola Oo Liiskiisa Ku Jira

Advertisements

Dad badan oo inaga mid ah ayaa ku soo koray iyadoo AC Milan ay heysato kubada cagta Talyaaniga iyo tan Yurub.

Laakiin waxay taasi haatan u muuqataa inay aheyd waqti aad u dheer.

Lixdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay ee horyaalka Serie A waxay ku dhameysteen kaalimaha 8aad, 10aad, 7aad, lixaad, 6aad iyo shanaad.

Waxay xitaa iska didieen inay ka qeyb qaataan Europa League xilli ciyaareedkan iyagoo ka baqaya inay ku xadgudbaan sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub.

Miyaan abid arki doonaa Milan oo ku soo laabata booskii ay mudneyd?

Haa. Dhawaan ayaaba la filayaa.

Waana sida ay sheegayaan warbaahinta Isbaanishka ee La Republica iyo jariirada AS.

Waxay sheegayaan in ninka seddexaad ee ugu taajirsan caalamka Bernard Arnault inuu doonayo inuu iibsado kooxda.

Arnault oo maamula in ka badan 60 shirkadood oo ay ku jiraan Louis Vuitton iyo Sephora ayay hantidiisa gaareysa 101.2 bilyan doolar.

Kaliya waxaa ninka reer France ka taajirsan Jeff Bezos iyo Bill Gates.

Milan ayaa noqon doona kooxda ugu qanisan dunida iyadoo Arnault uu qorsheynayo inuu si xoogan u maalgashado.

Waxa uu durbaba bartilmaameedsanayaa labo nin oo kala ah Lionel Messi iyo Pep Guardiola.

Messi ayaa noqonaya 33 sanno jir dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin taasi kama aysan joojin Arnault inuu ku riyoodo inuu helo xididga reer Argentina.

Advertisements

Inkastoo kooxda Talyaaniga ay dhawaan Stefano Pioli u magacowday tababare hadana wax badan kama uusan bedelin natiijooyinka kooxda Rossoneri taasoo keeneysa baahida uu u qabo Pep Guardiola.

Miyay Messi iyo Guardiola dib ugu midoobi doonaan AC Milan?

Comments are closed.