Nicolas Pepe Oo Jamaahiirta Kubadda Cagta Xasuusiyay Fadeexadii Uu Lionel Messi Ku Sameeyay Jérôme Boateng.

Advertisements

Weeraryahanka Arsenal Nicolas Pepe ayaa xasuusiyay taageerayaasha kubadda cagta ficil dhacay afar sano ka hor kaas oo mar noqday hadal heynta dunida, balse ma uusan noqon mid uu gabi ahaan dhameystiro.

Xiddigaan heerka caalami ayaa kusoo bilowday kulanka Selhurst Park ka soconaya ee dhexmaraya kooxaha Crystal Palace iyo Arsenal, xariiftan qurux badan ayuu ku sameeyay Gary Cahill balse uma suuragalin inuu gool u badalo.

Xiddigaan reer Ivory Coast ayaa gudaha usoo galay xerada ganaaxa ka hor inta uusan si layaab leh ugu goynin Cahiil kaas oo isna dhulka ugu dhacay si xasuus leh, balse kubadii oo ka dheeraatay waxaa qabsaday goolhaye Vicente Guaita.

Advertisements

 


Ficilkaan waa kan loogu hadal heynta badan yahay wakhtigaan baraha bulshada, waxeyna qof walba xasuustay wixii uu Lionel Messi ku dhigay Jerome Boateng bilowgii 2015 markaas oo ay Barcelona iyo Bayern Munich wada ciyaarayeen koobka horyaalada yurub.

Kabtanka Argentina si qurux badan ayuu goolka u dhameystiray markii uu riday Boateng, balse Pepe kuma guuleysan inuu goolka dhameystiro markii uu riday Cahill.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.