Neymar, Messi Iyo Ka Badan: Kooxda Riyada Cajiibka Ah Ee Pochettino Uu Doonayo Inuu Ka Dhiso PSG

Advertisements

Paris Saint-Germain ayaa galeysa mid ka mid ah isbedeladii ugu waa weynaa ee intii ay kooxdu jirtay. Kooxda ayaa dooneysa inay noqoto kooxda ugu fiican Yurub, waana sababta ay malaayiin doolar u qarashgareeyeen sannadihii ugu danbeeyay iyagoo la soo saxiixday qaar ka mid ah xiddigaha ugu fiican dunida sida Neymar oo ah xiddiga ugu qaalisan kubada cagta.

Talaabadii ugu danbeysay ee ay qaaday kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska waa inay shaqaaleysiiyeen tababare Mauricio Pochettino kaasoo bedelay Thomas Tuchel oo la ceyriyay.

Hamigooda ugu weyn inuu tababaraha reer Argentina ku hogaamiyo hanashada Champions League, waa koob aysan kooxdu ku guuleysanin abid islamarkaana ay ceyrsanayeen sannadihii ugu danbeeyay.

Madaxweyne Nasser Al-Khelaifi iyo agaasimaha isboortiga Leonardo ayaa ka shaqeynaya saxiixyada imaan kara kooxda sannadkan, waxaana ku jira magacyo xiiso leh.

Labada magac ee ugu horeeya liiskooda waa kabtanka Barcelona Lionel Messi iyo kabtanka Real Madrid Sergio Ramos kuwaasoo xor lagula wareegi karo xagaaga marka uu dhaco qandaraaskooda.

Waxay PSG sidoo kale dooneysaa inay la soo wareegto Sergio Aguero oo isna qandaraaskiisa Man City uu dhacayo iyo xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba, laakiin waxay diyaar u yihiin inay iska iibiyaan Kylian Mbappe oo Real Madrid ay isku diyaarineyso saxiixiisa.

Shaxda mustaqbalka ee PSG:

Keylor Navas; Alessandro Florenzi, Marquinhos, Sergio Ramos, Juan Bernat; Danilo, Marco Verrati, Paul Pogba; Neymar, Sergio Aguero iyo Lionel Messi.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*