Neymar Junior: “Ha Moodin In Lionel Messi Lagu Xushmeeyo Inuu Yahay Shaqsi Qurux Badan, Anigana Waxaan Ahay La Mid”

Advertisements

Neymar ayaa ka dhawaajiyay inuu xushmad ka helo xulka qaranka maadaama uu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican tobankii sano ee laga soo gudbay.

Xiddiga Paris Saint Germain wuxuu tusaale ka dhigtay doorka uu Barcelona ku leeyahay Lionel Messi, wuxuuna sharraxay sababta ay la tahay inuu dhaqan wanaagsan ugala kulmo saaxiibadiisa qaranka.

“Waxaan qaranka ku jiraa ugu yaraan 10-sanadood” ayuu yiri Neymar oo la hadlayay saxaafadda.

“Waxaan durba ka mid ahay mid kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan iyo mid ka mid ah xiddigaha wadadaas u hogaamiyay, waligey ma qarin, mar walbana waxaan sameeyaa wax wanaagsan marka aan ka mid ahay qaranka”

“Marka uu ciyaariyahanka qaab ciyaareedkaas leeyahay waa wax caadi ah inuu la kulmo dhaqan kale”

“Marka Barcelona la joogo Messi wuxuu helaa dhaqan kale, ma waxey kula tahay inuu sidaas ku helo inuu yahay shaqsi qurux badan?”

“Maya, balse waa waxa uu ku sameeyay kooxda”

“Waxaan sheegay ineysan tani aheyn wax ku saabsan nafteyda kaliya, balse ay khuseyso dhamaan ciyaartoyda gaaray heerkaan”

Neymar Junior waxaa kusoo wajahan kulankiisii 100-aad ee Brazil, qaranka Senegal ayeyna ka hortagi doonaan.

“Kulankeygii ugu horreeyay Mareykanka 2010, koobkii adduunka ugu horreeyay iyo goolkeygii ugu horreeyay ee koobka Adduunka” ayuu ku jawaabay mar la weydiiyay saddexda wakhti uusan waligiis iloobi doonin intuu xirnaa maaliyadda qarankiisa.

“Waan ku faraxsanahay qaranka iyo kooxdaba”

Advertisements

“Qof walba wuu ogyahay inaan doonayay inaan baxo,balse hadda waan ku faraxsanahay”

“Fasalkaan wuxuu ku bilowday si dagan markaan ka hadlo shakhsi ahaan, wax walba ayaan sameyn doonaa si aan koobab ugu guuleysano”

One response to “Neymar Junior: “Ha Moodin In Lionel Messi Lagu Xushmeeyo Inuu Yahay Shaqsi Qurux Badan, Anigana Waxaan Ahay La Mid””

  1. Gulleit Shanta says:

    Neymar Jounir Da.Silva
    waa Ciyartoy Qiimo Weyan
    ku lEh Kupada Cagta Waxan
    ka Hadalayna was Runtii
    neymar Waa Shaqsiyaad lo Pogaayay
    kubdiisa Walipa Waxan Hupa Haduu Lio Messi uu Ka Garab ciyaaro mar KaleH WaxaN Huupa inu Gaadhi Doono
    heersaare.ina la Xasuunan Doono ina Baddan Barcelona Wakhtig la Joogay
    xadir ayaa lo Ah Bandhiigi Uu ka samaanayay Neymar walow anu ku sii Warin Barcelona WaxaN rajanaya.inu Barca Ama Bulgrana Ku soo Laapato mar kaleH Si Kupadisa lug Raxayato
    Neymar Jounir Da.Sila Da Santos
    Malin Wacan