Natiijooyinka Kulamadii Caawa: Fadeexada VAR Ee Premier League Oo Weli Socota, Dortmund Oo Xasuuq Geysatay, Maxayse Ku Kala Baxeen Valencia Iyo Atletico Madrid?

Advertisements

Premier League

Wolves ayaa barbaro goolal la’aan ah kala kulantay 10 xiddig oo Leicester ah oo marti ku ahaa garoonka Molineux ka dib markii goolkii uu madaxa ku dhaliyay Willy Boly la diiday.

Boly ayaa u muuqday inuu hogaanka u dhiibay Wolves dhamaadkii qeybta hore laakiin VAR ayaa tilmaamtay in qeyb yar oo ka mid ah jirka Pedro Neto inay offside aheyd ka hor goolka sidaasna loo diiday goolka.

Pedro Neto was deemed offside after his foot was fractionally ahead of Ben Chilwell

Xiddiga khadka dhexe ee Leicester City Hamza Choudhury ayaa casaan qaatay daqiiqadii 76aad laakiin Wolves ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa soo taabato iyadoo Raul Jimenez uu ka qasaariyay fursadoodii ugu fiicneyd.

Natiijadaan ayaa la micno ah in Wolves labo boos kor u soo kacday islamarkaana ay soo gashay kaalinta todobaad halka Leicester City ay hal dhibic kaliya ka hooseyso kooxda kaalinta labaad ee Manchester City.

La Liga

Xilli ciyaareedkii niyadjabka lahaa ee Atletico Madrid ayaa weli socda ka dib markii ay Valencia barbaro 2-2 ah kula galeen garoonka Mestalla kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Marcos Llorente ayaa hogaanka u dhiibay Atletico ka dib daqiiqadii 15aad markii uu mel dhow shabaqa ka soo taabtay iyadoo Gabriel Paulista uu barbareeyay shan daqiiqo ka hor waqtigii nasashada.

Former Arsenal defender Gabriel Paulista celebrates his equaliser for Valencia

Atletico ayaa hogaanka ku soo laabtay seddex daqiiqo ka dib  markii uu Thoams Partey gool u dhaliyay laakiin Geoffrey Kondogbiga ayaa ku guuleystay inuu kubada dabamariyo goolhaye Jan Oblak daqiiqadii 59aad isagoo ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah.

Kevin Gameiro ayaa fursad weyn ka qasaariyay kooxda kaalinta lixaad ee Valencia oo si xoogan ku dhameysatay ciyaarta iyagoo leh 38 dhibcood. Atletico waxay ku jirtaa kaalinta afaraad iyagoo leh 40 dhibcood laakiin waxay 12 dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Real Madrid oo kulan uu u harsan yahay.

Bundesliga

Jadon Sancho ayaa shabaqa soo taabtay mar kale iyadoo Borussia Dortmund ay seddex gool dhalisay qeybtii labaad oo ay 4-0 ku xasuuqeen kooxda Eintracht Frankfurt iyagoo soo galay kaalinta labaad ee Bundesliga.

Daafaca Lukasz Piszczek ayaa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 33aad iyadoo Dortmund ay iska caabin kala kulantay Franfurt ka hor goolka.

Jadon Sancho celebrates his well-taken goal in Borussia Dortmund's win

Sancho ayaa hogaanka u sii dheereeyay daqiiqadii 50aad iyadoo Erling Haaland uu afar daqiiqo ka dib dhaliyay goolkiisii sideedaad ee shan kulan uu ciyaaray horyaalka taasoo rikoodh u ah Bundesliga.

Advertisements

Raphael Guerreiro oo birta ku garaacay laad xor ah qeybtii hore ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqadii 74aad isagoo darbo xoogan ku dhaliyay goolka.

Dortmund ayaa leh 42 dhibcood iyagoo farqiga goolasha uga sarre maray kooxda kaalinta seddexaad ee RB Leipzig kuwaasoo martigelinaya Werder Bremen Sabtida halka ay sidoo kale hal dhibic u soo jirsadeen kooxda hogaanka heysa ee Bayern Munich oo Axada booqanaeysa Cologne.

Comments are closed.