Natiijadii Man City Ee Shalay Oo FADEEXAD Ku Ah Kooxaha Man United Iyo Arsenal & Sababta Ay U Dhibasadeen Oo La Ogaaday.

Advertisements

Manchester City ayaa shalay markale awoodeeda gool dhalineed ee caddaanka ah muujisay iyadoo xasuuq 8-0 ah u geysatay kooxda martida u ahayd ee Watford kulan ka qabsoomay Etihad Stadium.

Marka dhinac kale laga eego, Natiijada kulankaas ee Sky Blues ayaa ahayd cadho iyo farriin cusub oo wada socda, Cadhada ayaa ah midii ay kasoo qaaday guuldarradii Norwich City halka farriintu ay tahay mid ay u dirayso kooxaha horyaalka kula tartamaya oo ay Liverpool u horreyso.

Siddeeda gool ee ay shalay Manchester City ku suuldaartay Watford ayaa ah kuwo u sahlaya inay laba dhibcood u jirsadaan kooxda hoggaanka horyaalka haysa ee Liverpool walow ay xiddigaha Klopp kulankooda toddobaadkan caawa Chelsea la balansan yihiin.

Haddaba, Natiijadaas culus ee ay shalay City ku guuleysatay waxa ay dhinaca kale si dadban bahdilaad ugu ahayd kooxo badan oo Premier League ah gaar ahaan kooxaha Manchester United iyo Arsenal.

Advertisements

Sababta ay si gaar ah natiijadaasi ugu bahdishay kooxaha Ole Gunnar Solskjaer iyo Unai Emery ayaa ah in ay kooxahoodu dhammaan shanta kulan ee ay horyaalka kasoo ciyaareen siddeed gool soo dhaliyeen halka ay City kaliya kulankii shalay siddeed jeer shabaqa ku gaadhay.

In Citizens ay hal kulan kusoo sameeyeen wixii ay labadaas kooxood ee waaweyni shan kulan kusoo samaynayeen ayaa ah mid ceeb dadban oo si aan toos ahayn u taabanaysa kooxahaas.