Naga Jooji!! Madaxda Chelsea Oo Markii Ugu Horreysay Suuqan Iska Diiday Inay Lasoo Saxeexdaan Xiddig Uu Frank Lampard Dalbaday

Advertisements

Kooxda Chelsea ayaan suuqa xagaagan wax cabsi ah ka qabin inay suuqa lacago badan ku bixiso iyadoo xiddigo da’yar u badan oo hibo wanaagsan leh kula soo saxeexatay wax ka badan 200 Milyan oo Pound.

Labaleyda ree Germany ee Kai Havertz iyo Timo Werner ayaa kulankoodii ugu horreeyay ciyaaray ciyaartii ay Brighton 3-1 kaga soo adkaadeen iyadoo la filayo in Thiago Silva, Hakim Ziyech iyo Ben Chilwell ay dhawaan soo muuqan doonaan.

Frank Lampard's Chelsea return awaits approval from Roman Abramovich

Sababtoo ah saxeexyada waaweyn ee yimid Stamford Bridge suuqan, Frank Lampard ayay macquul tahay inuu qaar kamida xiddigihiisa iibiyo dhawaan si uu uga hortago inuu bedelkooda raadiyo xilli dambe kahor xidhitaanka suuqa oo 5-ta October ku eeg.

Advertisements

Kaddib heshiisyada badan ee ay soo sameeyee, qaar kamida madaxda sarre ee Blues ayaa la sheegayaa inay Lampard ka diideen saxeexa khadka dhexe ee West Ham United ahna xiddiga akaademigooda kasoo tirsanaan jiray ee Declan Rice.

Lampard ayaa la sheegaa inuu taageere weyn u yahay xiddiga heer caalami ee xulka qaranka England isagoo ka fikirayay suurogalnimada uu kooxda ugu soo celin karo.

Si kastaba, sida uu sheegayo khabiirka suuqa kala iibsiga ee wargeyska The Athletic ee David Ornstein xubno kale oo muhiim ka ah Chelsea ayaan ku qanacsanayn 21 sano jirka West Ham United ee boosaska badan ka ciyaara.

Iyadoo la filayo in Hammers ay 70 Milyan oo Pound ku dalban doonaan iibka Rice, tababare David Moyes ayaan xiisaynayn wax ciyaaryahano is-dhaafsi ah taas oo ku qasbaysa Chelsea inay diirada saaraan qaybaha dambe ee suuqooda.

Advertisements

 

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*