Muxuu Yahay Rikoodhka Manchester United Haysato Ee Caawa Ay Bayern Munich Barbarraynayso?

Bayern Munich ayaa caawa haysata fursad ay kusoo qabato rikoodh ay hore u haysatay Manchester United, waxaanay kaliya u baahan tahay in ay PSG ku garaacdo garoonkeeda Allianz Arena amaba ugu yaraan ay ka badbaaddo guul-darro.

Advertisements

Kooxda reer  Germany ayaan laga badinin 19 ciyaarood oo xidhiidh ah oo tartanka Champions League ah, kuwaas  oo ay ku jirto finalkii sannadkii hore ee 2020 oo ay koobka kaga qaadday PSG oo ay markanna ku kala calaf-qaadayaan wareegga siddeedda.

Munich ayaa haddii ay caawa guuleysato amaba ay barbarro gasho, waxay u noqon doontaa ciyaartii 20aad ee xidhiidh ah ee ka tirsan Champions League ee aan dhinaceeda dhulka la dhigin, waxaanay sidaas kusoo qaban doontaa Manchester United oo hore u ahayd kooxda kulamadii ugu badnaa ee Champions League ah aan laga badinin.

Manchester United ayaa sannadihii u dhexeeyey 2007 illaa 2009 aan marna laga badinin, waxaana tababare Sir Alex Ferguson oo waqtigaas hoggaaminayay uu ka caawiyey in ay laba final oo Champions League ah yimaaddaan, isla markaana ay sannadkii 2008 koobka qaadaan.

Advertisements

Cristiano Ronaldo oo waqtigaas ka mid ahaa xiddigaha United, ayaa waxa ugu dambayntii rikoodhkooda guul-darro la’aanta kasoo afjartay Barcelona oo finalkii 2009 ee magaalada Rome koobka kaga qaadday.

Bayern Munich ayaa 19kii ciyaarood ee u dambeeyey ee Champions League waxay guuleysatay 11 ka mid ah iyo siddeed barbarro ah, waxaana rikoodhkoodka United ay kusoo qaban doonaan guul ay caawa soo hooyaan.

Munich ayaa 19kaas ciyaarood soo dhaliyey 67 gool oo inta ugu badan uu saxeexay Robert Lewandowski oo magaciisa ku qoray 22 gool, waxaase uu dhaawac kaga maqan yahay ciyaarta caawa.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*