Roberto Firmino ayaa halis geliyay carada taageerayaasha Liverpool ka dib markii uu ku amaanay xiddiga ay isku wadanka yihiin Richarlison geesinimadiisa kulankii ay Everton ka badisay Liverpool.
Everton ayaa soo gabagabeysay 22 sannadood oo ay sugeysay inay Merseyside Derby ku badiso Anfield iyagoo 2-0 ku badiyay kulankii Sabtida.
Richarlison ayaa dhaliyay goolkii furitaanka seddex daqiiqo markii ay socotay ciyaarta taasoo ku hogaamisay Everton guul lama filaan ah oo ay ka gaareen deriskooda oo sidii ugu xumeyd u difaacday koobka Premier League.
Guusha ayaa aheyd tii ugu horeysay ee 23 kulan ka dib iyadoo Everton ay 40 dhibcood la wadaagaan kooxda Liverpool oo kaalinta 6aad ku jirta iyadoo Everton ay kulan u sii harsan tahay.
Ciyaarta ka dib, Richarlison ayaa sawiro uu u dabaaldegayo goolkii uu ka dhaliyay Liverpool soo dhigay Instagram, waxaa sawirka “like” saaray weeraryahanka Liverpool Roberto Firmino.
Labada nin ayaa saaxiibo ah madaama ay u wada ciyaaraan xulka qaranka Brazil laakiin go’aanka uu xiddiga Liverpool ku taageeray Richarlison goolkii uu ka dhaliyay kooxdiisa ayaa ka careysiisay taageerayaasha Reds.
Liverpool ayaa ku jira xaaladii ugu xumeyd tan iyo sannadkii 2002, waxay halis ugu jiraan inay seegaan afarta sarre iskaba ilow inay difaacdaan koobka horyaalka oo ay la carareyso Manchester City.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Waxan Salamayaa Bahda Lacib Sidey Udhan Yihiin Salan Kadib Uma So Galin Inan Mowduucan Kahadlo Waxan Raba Sual Igu Gaaaf Wareegeysay Inan Waydiiyo Bahda Laacib Iyo Taageerayaasheeda Suasha Waatan
—-> Sidey Liverpool Uduntay Waxaan Majirtaa Inan Kanasanay Dhalanyartii Ficilada Gabdhaha Sameyn Jiray Ee Ku Mashquuli Jiray Bahda Lacib Qoraalada Ay Soo Qoraan Hal Xaraf Oo Qaldamo Maqaldame Waa Allah Aaway Ragii Daba Boodi Jiray Oo Bahda Laacib Dacaaayaden Jirey Soo Uma Eko In Ay Gidaarka Gadaashiisa Ku Dhuumanaayaan Sida Leiceter City Cml Hal Sanaa Rer Liverpool Horyalka Qaaden Markaaseey Magaalka Xaar Kugooyeen Reer Liverpool Waxan Umaleynaa Qasaarada Kusocoto Darteeda In Usan Jirinba Mid Nool Isku Qariya Musqula
Xitaa Aniga Magaranaayo Mudada Fog Een Ku Xeranahay Laacib Taaageero Xoogan Ayaan U Ahay Dhalinta Lacib.net Saas Ay Tahay 5tii Daqiiiqo Waxan Fila Inan Soo Booqdo 3 Mar Waana Inkabadan Marka Loo Fiiriyo Caruurta Liverpoolshan Waxan Ushegayaa Bahdena Laacib Waa Dhalin Waqtigooda Inoo Huray Ee Inoo Daaya Qoralkey Qaldan Inagaa Saxaneynee Naga Kala Daaaya Waxan Idin Leeyahay Bahda Lacib Sidaa Udhan Tihiin Calankiina Haka Sareeyo Cadawgiina Hana Ahaado Kuwa Cagtiina Hoos Jiifa