Muxuu Pep Guardiola Ka Yiri Eedeynta Loo Heysto Bernando Silva Ee Ah Inuu Cunsuriyeeyay Benjamin Mendy?

Advertisements

Tababare Pep Guardiola ayaa difaacay Bernando Silva kaasoo loo heysto inuu Twitter ku cunsuriyeeyay xiddiga ay isku kooxda yihiin Benjamin Mendy.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa warqad u qoray Manchester City oo ay ku weydiisanayaan in sharaxaad dheeri ah laga soo bixiyo eedeymaha cunsuriyada ah ee loo jeedinayo xiddigooda Bernando Silva.

Sawir uu Twitter soo dhigay Bernando Silva ayaa waxaa uu isbarbardhigay karoon madow iyo Benjamin Mendy oo ilmo yar ah, iyadoo kartoonka madow loo arkay inuu yahay mid lagu cunsuriyeeyo dadka madow.

Haddii danbiga loo heysto lagu helo xiddiga reer Portugal oo eedeyn weyn kala kulmay hay’ada la dagaalanta cunsuriyada kubada cagta Kick It Out waxa uu wajixi karaa ganaax kulan ama mid lacageed.

Laakiin Guardiola oo ciyaarsiiyay Bernando Silva kulankii Carabao Cup ee ay ka badiyeen Preston xalay ayaa yiri:

“Daacadii, ma garanayo waxa dhici doona.

“Waa inay diirada saaraan waxyaabo kale sababtoo ah ma garanayaan ninka ay ka hadlayaan.

“Bernardo waa mid ka mid ah dadka ugu fiican ee aan abid la kulmay nolosheyda.

“Waxa uu ku hadlaa afar ama shan luqadood, waana sida ugu fiican ee aad ku fahmi karto inuu yahay nin furan oo dad kala duwan la soo dhaqmay.

“Mid ka mid ah saaxiibadiisa ugu fiican waa Meny. Walaalo oo kale ayay u dhaqmaan.”

Guardiola ayaa sheegay in Bernando Silva uu diyaar u yahay inuu la hadlo xiriirka kubada cagta Ingariiska haddii ay jawaabo ka doonayaan xiddiga khadka dhexe.

Waxa uu yiri: “Sawirka uu Twitter dhigay ma ahan mid ku saabsan midabka maqaarka.

“Waxa uu helay sawir Benjamin oo yar, waxaana uu garab dhigay kartoon sawirka la mid ah.

“Haddii ay doonayaan inay la hadlaan Bernando diyaar ayuu u yahay, laakiin marka hore waa inaad ogtahay qofka aad ka hadleyso.

Advertisements

“Waxaa jira xaalado badan sida qof cadaan ah oo lala barbardhigo kartoon, tana waa la mid.

“Waxaan qabaa in jawaabtii uu bixiyay Mendy inay aheyd mid cad. Mar walba ayay kaftamaan.”

Wararka Kale Ee Maanta:

Comments are closed.