Muxuu Ku Soo Dhamaaday Kulankii Lagu Maamusayay Vincent Kompany Ee Halyeeyada Man City & Halyeeyada Premier League? (Daawo Goolasha)

Advertisements

Kulankii lagu maamusayay waayaha ciyaareed ee kabtankii hore ee Manchester City ee u dhaxeeyay halyeeyada Man City iyo halyeeyada Premier League ayaa ku soo dhamaaday barbaro 2-2 ah iyadoo ciyaar madadaalo leh ay ka dhacday garoonka Etihad Stadium.

Kompany ayaan ciyaarin kulankii isaga lagu maamusayay madaama uu dhaawac ahaa, laakiin waxa uu taagnaa ciyaarta oo dhan kursiga keydka isagoo xabadka gelinayay xiddig walba oo bedel ku soo baxa.

Labo daqiiqo ma aysan soconin ciyaarta markii halyeeyada Man City ay hogaanka u qabteen, waxaana qalad weyn ku lahaa daaficii hore ee Man United Gary Neville, iyadoo uu ka soo xarooday Petrov kaasoo kubada dabamariayy goolhaye Edwin van der Saar.

Nusa saac markii ay socotay ciyaarta waxaa barbaro ka dhigay Roy Keane oo ka faa’ideystay kubad ay soo dhiseen Ryan Giggs iyo Van Persie.

Kooxda halyeeyada Premier Legaue ayaana hogaanka la wareegay bilowgii qeybta labaad markii uu Van Persie kubad taabasho ah la ciyaaray Cahill ka hor inta uusan shabaqa dhex dhigin.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Xogta Iyo Rikoorada Laga Diiwaangeliyay Kulankii Ay Man City Maanta Xasuuqday Watford - Aguero Oo Jabiyay Rikoorkii Wayne Rooney

Ciyaarta ayaa aheyd mid madadaalo fiican iyadoo la iska helay fursad aad u tiro badan oo qaarkood la badbaadiyay qaarkoodna lala waayay goolka.

Waxay u muuqatay inay ciyaarta ku dhamaaneyso guul ay gaaraan halyeeyada Premier League, laakiin daqiiqadii ugu danbeysay ee ciyaarta ayaa halyeeyada Man City waxaa gool madax ugu dhaliyay 40 jirka Benjani kaasoo ciyaarta ka dhigay inay ku soo dhamaato barbaro 2-2 ah.

Advertisements

Ciyaarta ka dib halyeeyada Premier League ayaa mikrafoonka qabsaday iyagoo hadalo ay ku maamusayaan Vincent Kompany u jeediyay taageerayaasha ciyaarta ka soo qeyb galay.

Kompany ayaa xagaagii ka tagay Man City isagoo ciyaaryahan iyo tababare ka ah kooxda dalkiisa Belgium ee Anderlecht.

Shaxda ay labada kooxood ku soo bilowdeen:

Halyeeyada Man City:

Hart, Zabalteea, Toure, Lescott, De Jong, Nasri, Ireland, Silva, Wright-Phillipos, Aguero, Petrov.

Halyeeyada Premier League:

Van der Sar, Neville, Carragher, Carrick, Cole, Arteta, Butt, Scholes, Giggs, Keane, van Persie

Comments are closed.