Muxuu Ku Jawaabay Pep Guardiola Markii Wax Laga Weydiiyay Go’aamadii Garsoorka Ee Kulankii Anfield?

Advertisements

Pep Guardiola ayaa si fool ka fool ah ugu tagay garsoore Michael Oliver kadib markii ay dhamaatay ciyaartii ay kooxdiisa qasaaraha kala kulantay Liverpool, isagoo tabanaya in kooxdiisa dhawr jeer loo diiday fursado ay xaq u lahaayeen.

Guardiola ayaa la fahamsan yahay inuu garsooraha ku yiri “Waad mahadsan tahay” isagoo waliba tilmaamaya labadii jeer ee lagu gardarooday sida uu qabo, balse markii wax laga weydiiyay waxa ku saabsan go’aamadas kama jawaabin.

Macalinka reer Spain ayaa la arkayay isagoo si caro leh ula hadlaya garsoorahii afaraad ee kulanka Mike Dean isagoo taagaya laba farood, wuxuuna aaminsanaa in laba jeer laga diiday rigoore ay laheyd kooxdiisa.

Guardiola waxaa lagu eedeeyay inuu ku kaftamayay garsooraha markii uu u mahad celiyay kadib dhamaadka kulanka, balse wax walba wuxuu kaga jawaabay shirkiisa jaraa’id ee kadib kulanka.

“Maya, ma aheyn wax kaftan ah, waxey aheyd aad ayaad u mahadsan tahay, sidoo kale ayaan ku iri kadib kulankii Spurs – Waad mahadsan tahay, inta badan waxaan aadaa garsooraha, aniga iyo saaxiibadey waxaan dhahnaa nasiib wacan wakhtiga oo dhan” ayuu yiri Guardiola.

“Mike Riley, dadka la shaqeeya, ayaga waa inaad weydiiso, ka hadal kulanka, ayaga weydii, waxaan halkaan u imid inaan ciyaarta ka hadlo, mar walba waxaan is weydiiyaa sababtee ayeyse maalinna u tahay gacan, maalinna u aheyn, aniga ha i weydiin, ayaga weydii”

Advertisements

“Balse kama qoomameynayo, hadii ciyaartoyda ay ogyahiin inaan faraxsaneyn waan u sheegayaa ayaga, balse qeybtii hore ayaan u sheegay iyod dhamaadkaba, madaxa kor u qaada, baraha bulshada hakusoo qorina waxa ay idinla tahay wixii ka dhacay meelaha qaar, ka hadla kubadda cagta, iyo sida ay u wanaagsaneyd”

Si kastaba Pep Guardiola wuu ka gaabsaday inuu garsoorka ku eedeeyo wixii dhacay.

4 responses to “Muxuu Ku Jawaabay Pep Guardiola Markii Wax Laga Weydiiyay Go’aamadii Garsoorka Ee Kulankii Anfield?”

  1. Waa dhacdaa in koox awood leh sharci aan jirin lagu maquuliyo we will fight till the end
    Viva cityzens