Muxuu Ka Yiri Thomas Tuchel Haddii Uu Xiddiga Chelsea Christian Pulsic Dalbado In La Iibiyo Xagaagan?

Thomas Tuchel ayaa sheegay in Christian Pulisic uu qeyb ka yahay qorshihiisa ka dib markii xiddiga garabka ka ciyaara lala xiriiriyay inuu ka tagayo Chelsea.

Advertisements

Tan iyo markii uu Tuchel bedelay Frank Lampard dhamaadkii bishii Janaayo, Pulisic ayaa ku soo bilowday kaliya hal kulan, wuxuuna ku dhibtooday inuu boos ka helo kooxda oo natiijooyin fiican gaareysa.

Horaantii isbuucaan waxaa soo baxay warar sheegaya in Manchester United iyo Liverpool ay qiimeyneyso xaalada 22 jirkaan islamarkaana ay u dhaqaaqi karaan xagaaga haddii uu diyaar noqdo.

Laakiin Tuchel ayaa carabka ku adkeeyay in xiddiga Mareykanka uu muhiim u yahay Chelsea.

Markii la weydiiyay haddii uu wadada ka horjoogsan doono Pulisic haddii uu weydiisto inuu baxo, Tuchel ayaa ku jawaabay:

“Su’aashaada waxaa ka buuxda ‘haddii’ badan. Haddii uu berri ku soo bilowdo, haddii uu si fiican u dheelo, haddii uu ku soo bilowdo mar kale kulanka Atletico iyo haddii uu labo gool dhaliyo … malaha markaas wuxuu noqonaya kabtanka kooxda sannadka danbe.

“Waan fahamsanahay waxa aad kala jeedo laakiin ma ahan mid warkeeda haatan taagan yahay. Waxaa inoo haray kulamo badan, qorshaheyga ayuuna qeyb ka yahay.

“Waa ciyaaryahan muhiim ah, wuxuu saameyn ku leeyahay kursiga keydka iyo haddii uu ku soo bilowdo, miyay tahay inuu horumar sameeyo? haa. Waana shaqadeyda iyo shaqadiisa sida qof walba.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*