Muxuu Jose Mourinho Ka Yidhi Guul-darradii Tottenham Ee Xalay Iyo Kooxda Horyaalka Ku Guuleysanaysa?

Advertisements

Tababaraha kooxda kubadda cagta Tottenham, Jose Mourinho ayaa saadaal ka bixiyey horyaalka Premier League kaddib markii ay xalay kooxdiisu guul-darro 1-0 ah kala kulantay Liverpool oo ay martigelisay.

Tottenham ayaa xalay garoonkeeda kusoo dhoweysay Liverpool, waxaana ay ahayd ciyaar saadaalo kala duwan laga sii bixiyey oo ay dad badan rumaysnaayeen inay noqon karaysay ciyaartii ugu horreysay ee Reds ay guul-darro la kulanto, hase yeeshee qaybtii hore ee ciyaarta ayay Liverpool qaab ciyaareed wanaagsan muujisay, waxaanay heshay gool uu u dhaliyey Roberto Firmino, halka Tottenham ay qaybtii dambe ciyaar tayadeedu sarrayso la timid, kuna dhowaatay inay goolal dhaliso.

Tababare Jose Mourinho oo warbaahinta la hadlay kaddib ciyaartaas, ayaa waxa uu sheegay in Liverpool ay nasiib wanaagsan lahayd xalay, ayna ahayd in ugu yaraan hal gool laga dhaliyo, hal ciyaartoyna kaadh cas laga siiyo.

Macallinka reer Portugal waxa uu xusay in afar bilood ka  hor markii ay Liverpool ka adkaatay Manchester City uu sii saadaaliyey in ay horyaalka ku guuleysanayaan, laakin waxa uu ku dooday in uu nasiibku caawinayo.

“Waxa aan idiin sheegay inay ku guuleysanayaan horyaalka markii ay garaaceen Manchester City saddex ama afar bilood ka hor. Nasiib wanaagsan ayay lahaayeen, waxa laga dhalin karayey gool, kaadh casna waxa lasiin karayey Andy Robertson” Ayuu yidhi Jose Mourinho.

Tababaraha reer Portugal waxa uu qiray in kooxdiisu ay saacad badhkeed tababar ku qaadatay sida la iskaga difaaco kubbadaha dhinacyada laga soo tuuro, laakiin haddana isla middii ay tababarka ku qaateen laga dhaliyey, waxaanu yidhi: “Shalay, saacad badhkeed ayaanu ku qaadanay sida la iskaga difaaco kubbadaha gacanta laga soo tuuro, waxaananu ku guul-darraysanay kubbad gacanta laga soo tuuray.”

Advertisements

Waxa kale oo uu amaanay garsoorihii ciyaarta dhexdhexaadinayey oo uu xusay inuu shaqo wanaagsan qabtay, laakiin waxa uu eedayn u jeediyey gacanyarihiisa oo uu tilmaamay inuu arki kari waayey in kubaddii goolka noqotay ay sii taabatay Sadio Mane ka hor intii aanay dibedda u bixin.

Waxa kale oo uu amaanay difaacyahannada kooxdiisa oo uu xusay inay shaqo wanaagsan qabteen, ayna ahayd inay helaan natiijo ka wanaagsan guul-darrada ay garoonkooda ugu geysatay Liverpool.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.