Muxuu Gerard Pique Ka Yiri Hadalkii Uu Messi Ka Sheegay Qolka Labiska & Sidey U Sugayeen Neymar Junior?

Advertisements

Gerard Pique oo ka mid ah hogaamiyayaasha qolka labiska Barcelona ayaa ku taageeray saaxiibkiisa Lionel Messi wixii uu ka sheegay qolka labiska, sidoo kalana wuxuu carabka ku dhuftay arrinta ku saabsan Neymar Junior kaas oo ay sugayeen ilaa uu suuqa ka xirmo.

Pique wuxuu qiray kadib kulankii Getafe in ciyaartoyda aysan dooneyn iney cilad u arkaan qaaba liita oo ay kooxda ku bilaabatay xilli ciyaareedka ama xitaa aysan ka caroon waxyaabaha laga qoray kooxda.

“Messi waa kabtankeena, wuxuuna leeyahay oraahdiisa” ayuu yiri Pique.

“Balse waxey ila tahay in erayadiisa ay ku jeedaan qolka labiska”

“Uma maleynaayo iney qolka labiska ka jiraan mowduuc ku saabsan isku-duwid iyo wax walba oo kale”

Dhinaca kale waxaa jirta in ciyaartoyda Barcelona ay sugayeen saxiixa Neymar, balse uu ugu dambeyntii go’aan ku gaaray inuu sii joogo kooxdiisa PSG.

“Wax cabsi ka badan ayaan dareenay, sababtoo ah suuragal ayey aheyd” ayuu yiri Pique mar uu ka jawaabayay sida ay uga cabsi qabeen inuu ku biiro Real Madrid.

Advertisements

“Waa run inaan qolka labiska uga sheekeysanay isaga, balse ugu dambeyntii go’aanka waxaa leh Neymar”

“Ugu dambeyntii wuxuu joogay kooxdiisa, waxaan u rajeynayaa wanaag, xiriirka Neymar igala dhaxeeya waa mid cajiib ah”