Muxuu Donny van de Beek Kaga Jawaabay Wararka Xanta Ah Ee La Xiriirinaya Kooxaha Real Madrid Iyo Man United?

Advertisements

Kubad sameeyaha kooxda Ajax Donny van de Beek ayaa hoos u dhigay wararka soo jeedinaya inuu xagaaga soo aadan u dhaqaaqi doono Real Madrid, tanina waxey fursad siin kartaa Red Devils.

Xiddigaan reer Holland wuxuu 12-kii bilood ee lasoo dhaafay sameeyay hormar aan caadi aheyn, taasoo keentay inuu soo jiito indhaha qaar ka mid ah kooxaha qaaradda yurub.

Man United & Real Madrid ayaa ugu horreeya kooxaha lala xiriirinayo xiddigaan 22-jirka ah, waxaana soo baxay dhamaadkii sanadkii hore inuu 45 Malyan oo Pound ugu wareegay kadib Euro2020 kooxda Real Madrid.

Si kastaba Donny wuxuu saxaafadda u sheegay in wali aysan jirin wax lagu heshiiyay, wuxuuna ku tilmaamay kuwa aan qaan gaar aheyn warbaahinta tabineysa wararka been abuurka ah.

“wax macno ma sameyneyso, mana xakameyn karo waxa ay dadka dhahayaan” ayuu Van de Beek u sheegay Algemeen Dagblad.

Advertisements

“Waxey ila tahay wax aan la gaarin, mar walba ayaan sheegaa, ma dag-dagayo, wanaag ayaan ku dareemayaa halkaan”

Si kastaba xiddiga wuxuu gabi ahaanba meesha ka saaray inuu u wareego Bernabeu mustaqbalka wuxuuna yiri: “Hadii ay dhacdo, wey dhacday”

Comments are closed.