Muxuu Ahaa Rikoorkii Xumaa Ee Loo Diiwaangaliyay Lionel Messi Kadib Barbardhacii Ay Kooxdiisa La Gashay Slavia Parague?

Advertisements

Barcelona ayaa barbaro gool la’aan ah la gashay kooxda Slavia Parague, waxeyna aheyd markii ugu horreysay oo ay ku fashilmaan iney gool dhaliyaan 46-kulan oo ay gurigooda ku ciyaaraan, balse waxaa jira rikoor aan wanaagsaneyn oo loo diiwaangaliyay Lionel Messi kaas oo ku fashilmay inuu kooxdiisa ka saacido guul ay ka gaaraan kooxda kasoo safartay wadanka Czech Republic.

Lionel Messi waa hogaamiyaha kooxdaan, waana gooldhaliyaha ugu sarreeya wakhtiga oo dhan, balse wuxuu garoonka Camp Nou isaga baxay isagoo aan gool dhalin, sidoo kalana aan caawin sameynin markii ugu horreysay ciyaaraha koobka horyaalada yurub wareega group-yada oo ay kooxdiisa joogto gurigeeda tan iyo sanadkii 2012, waxaana kaliya laga hadlay kulamada uu matalay kooxdiisa.

Goolhaye Ondrej Kolar ayaa noqday geesiga garoonka kaas oo u adkeystay weerar walba oo ka yimid Barcelona, wuxuuna ugu dambeyntii kooxdiisa la helay dhibic muhiim ah oo ay ku heleen garoonka Camp Nou.

Balaugrana waa kooxda hogaamineysa group-ka F maadaama ay shaqeysatay 8-dhibcood, balse waxaa kusoo xiga Borrusia Dortmund oo leh 7-dhibcood, halka Inter Milan oo ay la ciyaari doonaan kulanka ugu dambeeya ay leeyahiin 4-dhibcood oo qura.

Advertisements

Sidoo kale Lionel Messi waxaa lagu eedeeyay intii ay ciyaarta socotay inuusan xiriir wanaagsan la sameynin Antoine Griezmann, jamaahiirta kubadda cagta ayaana baraha bulshada aad ugu buun-buuniyaya kubad ay aheyd inuu u baaso xiddiga reer France balse uu go’aansaday inuu goosha abaaro.

Si kastaba Messi wuxuu ku fashilmay inuu gool dhaliyo, sidoo kalana uu caawin sameeyo kulan ay Barcelona ku ciyaareyso Camp Nou kana tirsan wareega group-yada koobka horyaalada yurub tan iyo sanadkii 2012.

7 responses to “Muxuu Ahaa Rikoorkii Xumaa Ee Loo Diiwaangaliyay Lionel Messi Kadib Barbardhacii Ay Kooxdiisa La Gashay Slavia Parague?”

  1. horaan qorayaasha website kan ugu sheegnAy # Lionel Messi inuu Mucjisada ay Reer #Laacib kusheegaan uusan ahayn oo uu Marnaba Isla bar bar dhigin #CR7.
    Sidaasu waliba Xaasidnimo kudarsaday