Muxuu Ahaa Rikoodhka Khaaska U Ahaa Lionel Messi Ee Uu Xalay Jabiyey Kylian Mbappe?

Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa kooxdiisa u diray wareegga siddeedda tartanka Champions League kaddib barbarro ay xalay la galeen Barcelona oo lugtii hore ay guul weyn kasoo gaadheen, taas  oo keentay in 5-2 ay PSG ugu gudubto wareegga  xiga.

Advertisements

Kylian Mbappe ayaa dhaliyey gool rikoodhe ahaa ciyaartii xalay, waxaana uga horreeyey saddexlay uu lugtii hore kusoo dhaliyey Camp Nou.

Afarta gool ee uu ka dhaliyey Barcelona ayuu Kylian Mbappe ku jabiyey rikoodh khaas u ahaa Lionel Messi oo aanay jirin cid uga horreysay iyo cid uga dambaysay midna, hase yeeshee xalay ayuu soo dhamaaday diiwaankaas gaarka u ahaa Messi.

Advertisements
Weeraryahanka reer France ayaa noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa abid ee tartanka Champions League ka dhaliya 25 gool, taas oo uu markii hore haysan jiray Lionel Messi.

Inuu gaadho 25 gool oo Champions League ah, Kylian Mbappe ayay ku qaadatay 22 sannadood iyo 80 maalmood, waxaana uu soo afjaray rikoodhka Messi oo hore u ahaa ciyaartoyga ugu da’da yar ee Champions League ka dhaliya 25 gool, waxaana maalintii uu rikoodhkaas dhigay ay da’diisu ahayd 22 sannadood iyo 286 maalmood.

Kylian Mbappe ayaa sii kordhisan kara rikoodhka maadaama ay kooxdiisu ku jirto tartanka Champions League oo inta la hubo ay ciyaari doonto laba lugood oo wareegga siddeedda ah, haddii ay soo gudbaanna waa fursad kale oo uu laacibkani u heli doono si uu usii badsado goolashiisa.

Laakiin waxa kusoo dhow Mbappe oo soo qaban doona, Erling Haaland oo 20 gool oo Champions League ah dhaliyey isagoo 20 jir ah, isla markaana bisha July ay da’diisu noqon doonto 21 jir.

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*