Muxuu Ahaa Amarkii Ole Gunnar Solskjaer Ee Uu Iska Dhegotiray Anthony Martial Ka Hor Inta Aan La Bixinin Kulankii Xalay?

Advertisements

Anthony Martial ayaa iska dhegotiray amarka tababarihiisa Ole Gunnar Solskjaer kaasoo ka dalbaday inuu dhaqdhaqaaqa badiyo si uu u caawiye asxaabtiisa intii ay socotay kulankii ay Manchester United ka badisay xalay kooxda Newcastle.

Sida ay sheegtay jariirada Manchester Evening News, Solskjaer ayaa la maqlay labo jeer isagoo u sheegay weeraryahanka qaab ciyaareedka liita ku jira inuu ordo oo uu dhaqdhaqaaqa badiyo ka dib markii uu noqday mid iska taagan.

Isagoo ku qeylinaya “dhaqaaq” xilli kubada ay socotay, Solskjaer ayaa daawaday iyadoo xiddiga Faransiiska uu iska dhegotirayo amarkiisa islamarkaana ay aan booskiisa ka dhaqaaqin.

Tababaraha United ayaa ka dib la maqlayay isagoo sii xoojinaya amarkiisa hore islamarkaana ku qeylinaya: “Antho, dhaqaaq. Bilow inaad dhaqaaqdo.”

Manchester Evening News ayaa sheegtay inay markaasi aheyd markii labaad ee uu Solskjaer ugu baaqo weeraryahankii hore ee Monaco inuu dhaqaaqo oo boos u abuuro asxaabtiisa.

Marka ay weerar qaadeysay Man United oo keentay in xiddiga tamarta badan Daniel James uu karoos soo dhigay, waxaa la maqlayay Solskjaer oo ku qeylinaya magaca Martial si uu u galo xerada goolka.

Xiddiga Faransiiska ayaase ku guuldareystay inuu cararo oo uu xerada goolka sii galo isagoo iska joogay bartamaha garoonka islamarkaana aan la kulmin kubadii uu soo dhigay James.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu 25 jirkaan soo bandhigay dadaal yari iyo iska warqab la’aan taasoo sababtay in tababarihiisa uu ka caroodo.

Kulankii Tottenham ee sannadkii hore ayuu Martial sidaan oo kale wuxuu amaro uga helay macalinkiisa oo ku aadanaa inuu dhaqaaqo, markaasna wuu iska dhegotiray hadalka tababarihiisa.

Kulankii Newcastle, Martial ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liita ka dib 70 daqiiqo uu garoonka ku jiray taasoo keentay in Solskjaer uu bedelo islamarkaana soo geliyo Greenwood.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*