MUUQAAL: Jamaahiirta Barcelona Oo Ku Xoomay Gaadhiga Greizmann, Inuu Deg-Deg Ku Dhaafay & Codsigooda Cajiibka Ah Ee Lionel Messi La Xidhiidhay

Advertisements

Waxa jiray niyad wanaag badan oo ay qabeen jamaahiirta kooxda Barcelona markii ay kooxdoodu lasoo saxeexatay Antoine Greizmann sanadkii 2019 balse xaalada ayaa gabi ahaanba sidaas iska bedeshay.

Barcelona ayaa mudo dheer daba socotay saxeexa Greizmann iyagoo ugu dambayn 120 Milyan oo euro kaga helay Atletico Madrid, si kastaba xiddiga ayaan noqon mid sidii laga filayay u ciyaaray.

Lionel Messi and Antoine Griezmann

Greizmann ayaa kaliya sagaal gool kasoo dhaliyay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkiisii koowaad halka uu kaliya laba gool ka dhaliyay toddobadii kulan ee ugu horreeyay horyaalkaas xilli ciyaareedkan 2020-21.

Advertisements

Laakiin waxa kaliya ee laga hadlayay ayaan ahayn qaab ciyaareedka Greizmann ee garoonka dhexdiisa iyadoo ay jireen warar sheegayay sanadkii hore inuu xidhiidh aan fiicnayn la leeyahay kabtankiisa Lionel Messi.

War kale oo ka cadhaysiiyay Messi ayaa noqday hadaladii kasoo yeedhay wakiilkii hore ee Greizmann kaas oo sheegay inuu tababarka kooxdu u af-duuban yahay Messi oo aan si adag loo tababaran Messi-na uusan tababar badan samayn.

Messi oo intaas kaddib saxaafadu weydiisay arrintaas ayaa sheegay inuu ka daalay in isaga lagu eedeeyo waxkasta oo kooxda dhexdeeda ka dhacaya.

Xaalad kastaba, jamaahiirta Barcelona ayaa laga helay muuqaal cusub oo ay ku ururayaan gaadhiga Greizmann oo deg-deg ku dhaafaya iyagoo u sheegaya inuu ixtiraam u muujiyo Messi.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

Advertisements

 

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*