Muslimkii 38 Jeer La Xidhay Ka Hor Intii Aanu 13 Jir Noqnin – Hadda Ayuu Garoomada Kusoo Laabtay

Advertisements

Waa Muslim ixtiraam badan oo dib ugu soo laabtay garoomada oo uu muddo 15 sannadood ah ka maqnaa, laakiin waxa uu ciyaartiisii koowaad ay u ahayd guul inkasta oo barbar-dhac lagu qoray.

Feedhyahankii caanka ahaa ee Mike Tyson oo sannadkii 2005 ka fadhiistay ciyaaraha ayaa dib ugu soo laabtay feedhka bishii December, waxaana habeen Sabti ahayd oo sannadka cusub ee 2021 la sugayay ay feedhtameen Roy Jones Jr, isagoo ka helay lacag malaayiin dollar ah.

Feedhyahankan oo lagu tilmaamo kuwii ugu wanaagsanaa feedhka culus ee taariikhda soo maray ayaa waxa uu Islaamnimada qaatay xilli uu kasoo baxay jeel uu muddo ku xidhnaa, taas oo ka dambaysay qaniinyo uu dhegta ku goostay feedhyahan kale.

Muddadii ka dambaysay waxay noloshiisu ahayd mid gebi-dhaclaynaysa inkasta oo dhaqankiisa uu beddelay, hase yeeshee waxay dhibaato ka haleeshay dhinaca dhaqaalaha iyadoo uu hadda bilaabay inuu dib u sameeyo lacag.

Dhowaan ayaa la filayaa inuu ciyaaro kulan feedh ah oo uu ka samayn doono lacag lagu qiyaasay 200 milyan oo dollar, balse wali lama xaqiijin ninka ay feedhtami doonaan.

Mike Tyson markii uu carruurta ahaa waxa uu soo qaatay nolol adag, isagoo ahaan jiray carruurta taagan dariiqyada Brooklyn oo uu kusoo qaatay inta ugu badan noloshiisa.

Wargeyska TalkSport ayaa dib ugu laabtay nolosha Mike Tyson ee yaraantiisii, waxaana uu soo ogaaday in la xidhay 38 jeer intii aanay da’diisu gaadhin 13 jirka.

Dhibaatooyinkan waxa uu Mike Tyson kala midaysnaa carruurta kale ee madowga ah ee waqtigiisii oo aan heli jiray daryeel, xaafadalaha ay ku nool yihiinna ay ku jireen liiska madow ee meelaha dembiyadu ka dhacaan, kaabeyaasha dawladdana aan laga hirgelin. Waxa kale oo intaa u dheeraa faquuqii midab-takoorka.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*