Musiibada Dhaawacyada Arsenal Oo Halkeeda Kasii Socota Iyo Xiddig Muhiim Ah Oo Dhaawac Culus Soo Gaadhay

Advertisements

Musiibada dhaawacyada Arsenal ayaa kasii dartay kaddib markii uu xalay dhaawac culus gaadhay daafaca reer Germany ee Shkodran Mustafi oo garoonka laga dhex qaaday.

Mustafi oo usbuuciyadii ugu dambeeyey si joogto ah ugu soo bilaabanayey khadka daafaca Gunners ayaa tababare Mikel Arteta uu xalay kusoo caawiyey da’yartii Bournemouth la ciyaartay FA Cup ee 1-0 ugu soo gudbay wareegga shanaad, hase yeeshee laacibkan ayaa uu soo gaadhay dhaawac weyn kaddib markii ay isku dhaceen goolhaye Emiliano Martinez.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa orod kusoo galay garoonka si ay garab u siiyaan Mustafi, hase yeeshee waxa qasab noqotay in bannaanka loo saaro daqiiqaddii 62aad iyadoo wajigiisu daboolan yahay, waxaana lagu soo beddelay Rob Holding.

Dhaawaca Mustafi, waxa uu sii xumayanayaa xaalada daafac ee Arsenal oo ay hore uga maqnaayeen Calum Chambers, Saed Kolasinac iyo Keiran Tierney, iyadoo uu wali ganaax ku maqan yahay David Luiz.

Advertisements

Tababare Mikel Arteta ayaa dooney inuu ciyaartooyo cusub kusoo xoojiyo safkiisa dambe, waxaana ay Gunners ku dhoweyd inay ku dhawaaqdo heshiiska Pablo Mari oo difaaca uga ciyaara Flamengo, hase yeeshee laacibka reer Brazil ayaa dib ugu laabtay dalkiisa kaddib markii is faham la’aani ka dhex dhacday labada kooxood.

Si kastaba ha ahaatee, dhaawaca cusub ee soo gaadhay Mustafi waxa uu soo dedejin doonaa in Arsenal ay gasho suuqa ka hor maalinta Jimcaha oo ah xilliga uu xidhmayo.

Comments are closed.