Musiibada Barca Oo Weli Socota!! Tababarihii Bedeli Lahaa Quique Setien Kulamada Ka Haray Xilli Ciyaareedka Oo Maanta Ka Tagaya Barcelona

Tababaraha Barca B oo lagu magacaabo Francisco Javier Garcia Pimienta ayaa ka tagaya kooxda isagoo soo gabagabeynaya 14 sannadood oo uu kooxda ka soo shaqeynayay.

Sida uu sheegay wariyaha ESPN, Moises Llorens, Garcia Pimienta ayaa qandaraaskiisa uu dhacayaa maanta (30ka Juun), welina qandaraas cusub ma uusan saxiixin, waana tababare ay Blaugrana u arkeysay inuu bedelo Quique Setien kulamada ka haray xilli ciyaareedka.

Garcia Pimienta ayaa ahaa tababaraha Barca B tan iyo bishii April 2018, waxa uu kooxda ciyaarsiiyay 63 kulan oo horyaalka heerka seddexaad ee Spain ah isagoo badiyay 23 kulan oo ka mid ah.

Waxa uu hore tababare uga soo noqday da’ yarta kala duwan ee Barcelona intii u dhaxeysay 2006 iyo 2015 ka hor inta uusan noqonin caawiyaha tababaraha Barca B Gerard Lopez isagoo bedelay aakhirkii.

Inkastoo Barcelona ay xiriir la sameysay Garcia Pimienta islamarkaana ay qandaraas kordhin u soo bandhigtay hadana weli wax jawaab ah kama aysan helin iyadoo saacado ay ka harsan tahay qandaraaskiisa.

Waxaa la soo jeedinayay inuu bedeli doono Setien kulamada ka haray xilli ciyaareedka haddii tababare Quique Setien la ceyriyo maalmaha soo socda.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*