Mushaharka Ay Qaataan Ciyaartoyda Juventus Oo La Shaaciyey Iyo Ronaldo Oo 11 Laacib Oo La Isku-geeyey Kasii Lacag Badan

Advertisements

Mushaharka xad-dhaafka ah ee uu Cristiano Ronaldo ka qaato Juventus ayaa lasoo bandhigay, waxaanu laacibka reer Portugal 23 milyan oo Euro ka sarreeyaa xiddiga kusoo xiga oo ah Matthijs de Ligt.

Ronaldo oo Juventus kaga soo biiray Real Madrid xagaagii 2018, ayaa waxa la wariyey in toddobaadkii uu u xaadiro mushahar dhan €400,000 Euro, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ciyaartoyda ugu mushaharka badan dunida kubadda cagta.

Juventus oo horyaalka sagaalaad oo xidhiidh ah u dabbaal-degto usbuucii hore, waxa uu Cristiano Ronaldo la qaaday labadii koob ee ugu dambeeyey, laakiin ujeedadii ugu weynayd ee Old Lady ay ula soo saxeexatay laacibkan oo ahayd inuu ku hoggaamiyo Champions League ayaan wali la gaadhin.

Advertisements

Wargeyska Gazzetta dello Sport oo soo bandhigay mushaharka ciyaartoyda Juventus ayaa waxa ka muuqata kala-sarrayn layaab leh, iyadoo laacibiinta qaarkood ay sannadkii xoogsadaan kaliya €0.5 Euro halka uu Cristiano Ronaldo qaato €31 milyan oo Euro.

Marka la isku-celceliyo, waxa uu Ronaldo ka mushahar badan yahay 11 ciyaartoy oo Juventus ay u wada ciyaaraan oo la isku-geeyey, waxaana uu 23 milyan oo Euro kasii badan yahay laacibka kusoo xiga liiska mushaharka kooxda.

De Light oo ah ciyaartoyga labaad ee ugu mushaharka badan Juventus, ayaa u xaadirsa 8 milyan oo Euro, waxaaba saddexaad ku wada jira Gonzalo Higuain iyo Miralem Pjanic oo min €7.5 milyan Euro qaata sannadkii

Advertisements

Akhriso mushaharka sannadlaha ah ee ciyaartoyga Juventus 

Carlo Pinsoglio: €0.3 million

Gianluigi Buffon: €1.5 million

Merih Demiral: €1.8 million

Rodrigo Bentancur: €2.5 million

Mattia Di Sciglio: €3 million

Daniele Rugani: €3 million

Blaise Matuidi: €3.5 million

Giorgio Chiellini: €3.5 million

Danilo: €4 million

Federico Bernardeschi: €4 million

Alex Sandro: €5 million

Juan Cuadrado: €5 million

Sami Khedira: €6 million

Douglas Costa: €6 million

Wojciech Szczesny: €6.5 million

Leonardo Bonucci: €6.5 million

Adrien Rabiot: €7 million

Aaron Ramsey: €7 million

Arthur Melo: €7 million (Bisha September ayuu koosda kusoo biiri doonaa)

Paulo Dybala: €7.3 million

Miralem Pjanic: €7.5 million (Bisha September ayuu Barcelona u wareegi doonaa)

Gonzalo Higuain: €7.5 million

Matthijs de Ligt: €8 million

Cristiano Ronaldo: €31 million

Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*