MURUGO: Xiddig Ka Tirsan Liverpool Oo Dhaawacii Van Dijk Oo Kale Kasoo Gaadhay Jilibka

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayuu usoo yeedhay war kale oo aad u xun oo ah in muddo dheer uu garoomada ka maqnaan doono mid ka mid ah ciyaartoydeeda oo uu jilibka kasoo gaadhay dhaawac halis ah oo la mid ah kii bilowgii xilli ciyaareedkan jilibka ka gaadhay difaacooda Virgil van Dijk.

Advertisements

Tababare Jurgen Klopp oo kooxdiisa dhibaato badan kasoo gaadhay dhaawaca Van Dijk ee sababay in qalliinka lagu sameeyo bishii October oo uu jilibka dhaawacu ka gaadhay ayaa waxa kale oo ay qalliin ku samaysay Joe Gomez oo isagana jilibka wax ka noqday, halka Diogo Jota uu isaguna dhaawac jilibka ah muddo saddex bilood ah ku maqnaa iyo Jordan Henderson oo isagana mindida loo qaatay.

Xilli ay kooxdu rajaynayso inay ciyaartoydaasi usoo laabtaan marka uu xilli ciyaareedku dhamaado, waxa kale oo usoo yeedhay war kale oo ay ka nexeen oo ah in dhaawacla mid ah midkii Van Dijk uu gaadhay laacib da’yar ah oo tababare Jurgen Klopp uu qorshaynayay inuu usoo dallacsiiyo kooxda koowaad.

Layton Stewart oo ka mid ah ciyaartoyda U23 ee Liverpool, ayaa waxa Sabtidii soo gaadhay dhaawac halis ah intii ay socotay ciyaar ay barbarro 1-1 ku kala baxeen West Ham United oo ay ku kulmeen horyaalka Premier League 2.

Advertisements

Laacibkan ayaa jilibku ciiray, isla markaana si xun u dhacay isagoo ku dagaallamaya kubadda, waxaana markiiba usoo cararay dhakhaatiirta oo ogsjiin ku kaga xidhay sanka iyo afka si aanay naftiisu halis u gelin.

18 jirkan ayaa loola cararay cusbitaalka, waxaanay kooxdu sheegtay in jilibka uu kasoo gaadhay dhaawaca halis ah, isla markaana uu ka jabay ACL.

Advertisements

Layton Stewart ayaa bilowgii sannadkii hore lagu sameeyey qalliin kuraanta ah, waxaana hadda u raacay dhaawacan halista ah.

Kulankan Liverpool iyo West Ham waxa ka maqnaa xiddiga Soomaaliga ah ee da’yarta Liverpool ka tirsan ee Abdi Sharif iyo Paul Glatzel oo 12kii bilood ee ugu dambeeyey ku maqnaa dhaawacyo.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*