Mulkiilaha Tottenham Ee Daniel Levy Oo Go’aan Ka Gaadhay Jose Mourinho Kaddib AFAR Guul-darro Oo Isku Xigay

Kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ayaa go’aan ka gaadhay tababare Jose Mourinho, kaddib markii ay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League laa kulmeen guul-darro waji gabax ah.

Advertisements

Jose Mourinho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhibaato weyni ay ka jirto kooxda, isaguna aanu wax xal ah u haynin, isla markaana ay mushkiladdu kasii badan tahay inta la moodayo ama muuqata ee guul-darrooyinka.

Sida ay qorayaan warbaahinta Ingiriisku, Jose Mourinho ayay shaqadiisu halis gashay markii ay West Ham si xun u garaacday Axaddii shalay, taas oo uga dhignayd in hal mar oo kaliya ay Spurs guuleysatay lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka.

Spurs oo u degtay kaalinta lixaad ee miiska kala-sarraynta, ayaa saadaasha macallimiinta shaqada laga caydhinayo uu Mourinho ka galay safka hore, hase yeeshee guddoomiyaha kooxda ayaa warka u caddeeyey Mourinho, una sheegay go’aankiisa kaddib guul-darrooyinkii dhacay.

Advertisements

Warbaahinta ESPN ayaa sheegtay in Levy uu qorshihiisu yahay in aanu Mourinho caydhinin illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, isla amrkaana uu ka dhur-sugo illaa finalka Carabo Caup ee bisha April ay wada ciyaari doonaan Manchester City, kaas oo ay ku xidhnaan doonto shaqadiisu.

Wargeyska Daily Mail ayaa isaguna kusoo warramay in Daniel Levy aanu ku dhiirran doonin inuu eryo Mourinho, sababtoo ah, waxa uu tababaraha reer Portugal magdhow u qaadan doonaa lacag dhan £30 milyan oo Gini, taas oo waqtigan aanay awoodi karaynin inay bixiyaan.

Qandaraaska uu Mourinho u saxeexay Spurs ayaa soconaya illaa xagaaga 2023ka.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*