Mudo Ayuu Gaadhi Curyaan Saarnaa, Socodka Ayuu Dib U Bartay Waxaana Uu Qarka U Fuulay In Lugta La Jaro Haatana Waa Xiddig Muhiim U Ah Real Madrid

Daafaca bidix ee kooxda Real Madrid ee Ferland Mendy ayaa ka sheekeeyay qisada xanuunka badan ee uu kasoo maray kubadda cagta iyo marxaladihii kala duwanaa ee xataa ku sababi gaadhay in gabi ahaanba lugta laga gooyo.

Advertisements

Mendy ayaa sheegay inuu toddoba sano kusoo qaatay Paris Saint-Germain isla markaana uu ku bilaabanayay kulamada xiddigaha 11 sano jirka ka yar balse uu dhaawac halis ahi gaadhay kahor intii uusan ku biirin kuliyada da’yarta.

Mendy ayaa sheegay inuu yeeshay bararka halista ah ee jidhka iyo waliba caabuq sidoo kalena uu mudo gaadhi curyaan saarnaa, kaddib biro uu ku socdo uga wareegay kahor inta uusan socodka dib u baran.

Sidoo kale Ferland ayaa xusay in dhakhtarku u sheegay inuusan abid kubadda cagta dib u ciyaari doonin isla markaana ay jirto suurogalnimo gabi ahaanba lugta lagaga goynayo.

Advertisements

Mendy oo qisadiisa ka warramaya ayaa yidhi “Waa sheeko cajiib ah, waxaan maray wakhti adag laakiin waxaan maareeyay inaan kasoo baxo, toddoba sano ayaan ku qaatay PSG, waxaan kusoo bilawday kulamada da’yarta 11 jirada ka yar balse waan dhaawacmay kahor inta aanan akaademiga gelin”

“Barar ayaan lahaa barar iyo caabuq, sidaas darteed waxaan u baahdal qaliin waxaanan ku jiray cisbitaal aniga oo mudo dheer soo kabanayay, laba ilaa saddex bilood ayaan xidhnaa baandhays”

“Qaliinka kaddib dhakhtarka ayaa ii yimid oo ii sheegay in aanan kubadda cagta ciyaari doonin markale, waxa uu xataa yidhi inay suurogal tahay inaan u baahdo in lugtayda la jaro, mudo ayaan gaadhi-curyaan saarnaa kaddib biro ayaan ku socday intaas kaddibna waxa ay noqotay inaan barto sida loo socdo markale”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*