Muddada Niyad-jabka Ah Ee Uu Garoomada Ka Maqnaanayo Jordan Henderson Oo La Shaaciyey

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo bil ah, kaddib dhaawac kasoo gaadhay kulankii Everton ay 2-0 ku garaacday Sabtidii.

Advertisements

Jordan Henderson ayaa ka dhaawacmay sarcanta, waxaanu jiibsaday dhulka isagoo sii wadi kari waayey ciyaarta, taas oo keentay in qaybtii horeba lagu beddelo Nathaniel Phillips.

Tababare Jurgen Klopp oo kooxdiisa laga badiyey afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League, ayaa rajaynayay inuu dib u helo laacibkan oo bilihii ugu dambeeyey ka ciyaarayay difaaca maadaama ay dhaawac ku maqan yihiin Van Dijk, Matip, Gomez iyo Firmino.

Hase yeeshee wararka hordhaca ah ee laga helayo dhakhaatiirta kooxda ayaa waxay sheegayaan inuu Jordan Henderson garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah, ama illaa afar toddobaad, taas oo ka dhigan inuu seegi doono ugu yaraan afar ciyarood oo horyaalka Premier League ah.

Advertisements

Inkasta oo ay warbixinta ugu dambaysa ee Jordan Henderson soo bixi doonta Isniinta maanta, haddana waxay xoguhu tibaaxayaan in uu sidoo kale ka maqnaan doono kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee xulka qaranka England ee bisha dambe iyo kulanka Champions League ee dhamaadka bisha dambe ay kooxdiisa Liverpool la ciyaari doonto RB Leipzig.

Kulamada horyaalka Premier League ee la ogyahay inuu Jordan Henderson maqnaanayo ayaa waxa ka mid ah Sheffield United, Chelsea, Fulham iyo Wolves iyo sidoo kale lugta labaad ee RB Leipzig.

Saddex kulan oo xulka qaranka England uu bisha March ciyaari doono oo isreeb-reebka Koobka Adduunka ah ayaa sidoo kale uu seegi doonaa, sida wararka hordhaca ahi sheegayaan, waxaanay dalalkaasi yihiin San Marino,  Albania iyo Poland.

Si kastaba, Henderson ayaa liiska xiddigaha dhaawaca ku maqan kula biiray Virgil van Dijk, Joe Gomez, Joel Matip,  Fabinho iyo Diogo Jota.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*