Mucjiso Afrika U Soo Baxday Oo Kooxaha Premier League Ay Ku Tartamayaan & Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Talaado Ah

Weeraryahanka Southampton Danny Ings oo 28 sanno jir ah ayaa diirada u saaran Manchester City isagoo loo arko inuu yahay bedelka Sergio Aguero. (Sky Sports)

Advertisements

Liverpool ayaa faa’idi doonta haddii Southampton ay iibiso Ings iyadoo Reds ay qaadan doonto boqolkiiba 20 lacagta lagu iibiyo xiddiga Ingariiska taasoo qeyb ka aheyd heshiiskii ay weeraryahankaan uga iibiyeen Southampton. (Mirror)

Manchester United ayaa u isticmaali karta 23 jirka khadka dhexe Donny van de Beek heshiisyada ay dooneyso inay sameyso xagaagan. (90min)

Weeraryahanka reer Zambia 22 jirka Patson Daka oo 20 gool u dhaliyay 18 kulan uu u saftay Red Bull Salzburg xilli ciyaareedkan ayaa soo jiitay xiisaha kooxaha Man United, Man City, Liverpool iyo Arsenal. (Daily Mail)

Arsenal ayaa aaminsan in xiddiga khadka dhexe ee Norway Martin Odegaar oo 22 sanno jir ah inuu doonayo inuu sii joogo kooxda wixii ka danbeeya heshiiskiisa amaahda ee dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan. (The Times)

Advertisements

Daafaca reer Brazil Thiago Silva oo 36 sanno jir ah ayaa qarka u saaran inuu hal sanno ku kordhiyo qandaraaskiisa kooxda Chelsea. (Express)

AC Milan ayaa lagu waramayaa inay kula biirtay Tottenham tartanka saxiixa weeraryahanka kooxda Fiorentina 21 sanno jirka Dusan Vlahovic. (La Reppublica)

Daafaca Faransiiska Raphael Varane ayaa sheegay inuu Real Madrid yimaado saaxiibkiisa Kylian Mbappe isagoo u arka weeraryahanka PSG mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican kubada cagta Yurub. (Goal)

Kooxda Inter Milan ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka reer Belgium ee kooxda Liverpool Divock Origi si ay ugu adkeeyaan weerarkooda. (Calcio Mercato)

Xiddiga khadka dhexe ee Lyon Houssem Aouar oo 22 sanno jir ah ayaa ku dhawaanaya inuu xagaagan ku biiro kooxda Talyaaniga ee Juventus. (FourFourTwo)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*