Monaco Oo Ku Maadeysatay Barcelona Ka Markii Ay Xalay Garaaceen PSG & Fariin Qosol Leh Oo Ay U Direen Barca

Advertisements

Monaco ayaa u safartay xalay garoonka Parc des Princes iyagoo 2-0 ku garaacay kooxda Paris Saint-Germain, maalmo yar ka dib markii ay PSG 4-1 ku xasuuqday Barcelona kulankii Champions League ee Camp Nou.

Kooxda Monaco ayaa sidii ugu fiicneyd u hirgelisay qorshahooda ciyaareed iyadoo si wadajir ah kubada uga difaacday islamarkaana si wadajir ah weerar u qaaday markii ay kubada helaa, waxayna garaaceen PSG labadii kulan ee horyaalka Faransiiska ee xilli ciyaareedka.

Waxay taasi keentay in Monaco ay ku maadeysato kooxda Barcelona oo xasuuq kala kulantay kooxdii ay iyagu garaaceen xalay.

Bogga rasmiga ah ee ay Monaco ku leedahay Twitter ayaa la soo dhigay qoraal Barcelona loogu sheegayo inay soo wacaan haddii ay u baahan yihiin caawimaad la xiriirta guul ka gaarista PSG.

“Waxaan garaacnay PSG lugtii hore iyo lugtii labaad” ayaa lagu soo qoray bogga luqada Isbaanishka ee Monaco ee Twitter.

“Barcelona haddii aad u baahan yihiin wax talo ah, fariin inoo soo dira.”

Natiijadaan waxay keentay in tartanka horyaalka Ligue 1 uu sii ahaado mid furan, iyadoo lix dhibcood ay u dhaxeysa kooxda hogaanka heysa ee Lille iyo Monaco oo afaraad ku jirta.

Lyon ayaa kaalinta labaad ku jirta iyagoo seddex dhibcood ka danbeeya Lille halka PSG oo seddexaad ku jirta ay afar dhibcood u jirto hogaanka horyaalka.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*