Mohamed Salah Oo Ka Careysiiyay Taageerayaasha Muslimka Ah Ka Dib Markii Uu U Dabaaldegay Ciida Gaalada Ee Christmas

Xiddiga Muslimka ah Mohamed Salah ayaa sawiro isaga iyo qoyskiisa ah soo dhigay Twitter iyo Instagram xalay iyagoo u dabaaldegaya ciida masiixiga ee Christmas.

Advertisements

Salah ayaa labo sawiro soo dhigay barahiisa bulshada, mid isaga iyo gabadhiisa Makkah iyo mid kale oo ay kuwada jiraan Makkah, xaaskiisa iyo gabadhooda ugu yar Kayan.

Laakiin sawiradaan waxaa si weyn uga carooday taageerayaashiisa muslimka ah kuwaasoo ugu baaqay inuu sawirada ka saaro bogagiisa bulshada.

Waa danbi in qof Muslim ah uu u dabaaldego ciidiga masiixiga islamarkaana uu hoos fariisto geedka masiixiga, ayaa aheyd fariimihii uu ka helayay Twitter iyo Instagram.

Qaar ka mid ah fariimihii loo soo diray waxaa ka mid ahaa.

“Tani waa danbi weyn. Kooxdeena ma ahan inay yeelato qof sidaan oo kale ah.”

“Waxay iigula muuqataa inuu mar Muslim ahaa…”

“Eeg, wuxuu la riyaaqayaa qoyskiisa…”

“Waad ogtahay in Islaamka uu reebay arintaan, laakiin waad sii sameyneysaa.”

“Boqorka rasmiga ah ee Masar waa Mohamed El Nenni ee adiga ma ahan.”

“Bal qiyaas wajiga Khabib markii uu waxaan arkay.”

Mohamed Salah ayaan u jawaabin taageerayaashii fariimaha badan u soo diray.

Advertisements

9 Fekradood

  1. Kani waa duli waligey ma arag isagoo bisha ramadaan u dabaaldagaya ama ciidaha muslimka soo fiiri Instagramkiisa xataa ma soo dhigo wax muslimka la xidhiidho sanadkii horana wuu u dabaal dagay Christmaska kan ani waa ka shakiyey

  2. Bes waaye inuu sharaabka la Cabo ayaa dhiman weyna dheceysaa hadduuusan naftiisa ka adkaanin.muslimnimada ayuu meel uga dhacay wlhi.kan wax la taageero Maha. Haddii Madrid ama Barca ku biiro oo sharuud looga dhigo diintaada ka Bax xaqiiq wuu ka baxayaa, tanaa calaamad u ah yaahuu.

  3. Inkaari kugu dhacday war islaamka iyo diinta sharafteena meel ha uga dhici, wax kalena waa aad soo wadaa, subxaana Allaah

  4. Kuleebo asaga eey dhiwee illagayna wuu laxisab tmayaa marka yaaan lais xiijin somaliyeey anaga maxaan inaga galaay salah

  5. Kolay ilama aha inay diintena sharafta lihi agtisa ka fududahay waxanan sxbyal salah urajaynaa inu ilahay unoqdo subxan allah

  6. Shaydaan ayaa u harga tumay oo ilow siiyey in waxani yahay dembi weyn bini aadamku sidaad moodaysid ma ahan caqligiisa waa qabaaa waana ogyahay dembigaan haday fiican yihiin naagtiisa celin la hayd waxan dhahaynaa subxaanallah illlaahay ayaa xumaan ka nasahan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*