Mohamed Salah Oo Afar Bilood Ka Maqnaan Doona Liverpool Xili Ciyaareedka Dambe – Waa Maxay Sababtu?

Advertisements

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa la sheegay inuu seegi doono afarta bilood ee ugu soo horreeya xili ciyaareedka dambe ee horyaalka Premier League oo naadigiisu uu waayi doono adeeggiisa ciyaareed.

Salah ayaa udub-dhexaad u ahaa guulaha ay Liverpool ka gaadhay Champions League xili ciyaareedkii hore iyo horyaalka Premier League ee sannadkan oo kaliya lix dhibcood uga hadhsan tahay in koobka la guddoonsiiyo, 25 dhibcoodna ay ka horreeyaan Manchester City oo kusoo xigta.

Liverpool oo waqtigii ay ku guuleysan lahayd horyaalka uu dib u dhigay xanuunka Coronavirus ee dundia dhibaatada weyn ku haya, ayaa waxay isku diyaarinaysaa in garoon madhan ay koobka ku qaadato marka dib loo bilaabo, inkasta oo ay jiraan darruuro mugdi ah oo ku gedaaman haddii horyaalka xili ciyaareedkan la dhamaystiri doono.

Coronavirus waxa kale oo uu sababay in dib loo dhigo ciyaaraha tartamada EURO 2020 iyo Copa America ayaa waxa kale oo uu dib u riixay ciyaaraha Olympics oo la filayo in lagu qabto Tokyo ka hor inta aanu dhamaanin sannadkan. Sidoo kale waxa bilowga sannadka 2021 la qaban doonaa ciyaaraha qaramada Afrika ee CAF 2021 oo January illaa February socon doona.

Mohamed Salah ayaa hoggaamin doona dalkiisa labadan tartanba, waxaana hore loogu daray liiska hordhaca ah ee ciyaartoyda ka qayb-geli doona Olambikada oo socon doona ku dhowaad laba bilood, kaddibna waxa uu u bixi doonaa ciyaaraha qaramada Afrika oo isagana ku dhowaad laba bilood uu ku maqnaan doono, taas oo ka dhigan in Salah uu muddo afar bilood ah ka maqnaan doono Liverpool xili ciyaareedka soo socda.

Advertisements

Tartanka qaramada Afrika oo hore ay kooxaha Premier League u dalbadeen in laga dhigo xagaaga, laakiin uu xidhiidhka Afrika diiday, ayaa waxa kale oo Liverpool ka tegi doona Sadio Mane oo xulka Senegal hoggaamin doona, Joel Matip oo Cameroon ah iyo Naby Keita oo dalka Guinea hormood u noqon doona.

Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp ayaa hore u sheegay inay musiibo tahay in tartanka qaramada Afrika la qabto bisha January oo ay ka tegi doonaan xiddigo muhiim ah, waxaanu yidhi mar uu ka hadlay: “Koobka Qaramada Afrika oo soolaabanaya bisha January, waa musiibo. Ma iibinayno Sadio, Mo ama Naby sababtoo ah waxay ku jiraan tartan bilaha January iyo February (tegayaan tartanka Afrika). Laakiin waa inaanu qaadano go’aan aanu ku keenayno hal ciyaartoy oo saamayn leh. Ciyaartoyga ma caawinayo (CAF 2021) hubaashii.”

Comments are closed.