Mohamed Salah, Gary Neville & Xiddigaha Waa Weyn Ee Ku Guuleystay Horyaalka Premier League Balse Aan La Siinin Bilada Horyaalka

Advertisements

Manchester City ayaa u muuqata mid ku guuleysaneysa Premier League xilli ciyaareedkan iyadoo xiddigahooda ugu waa weyn ay bilada horyaalka suran doonaan qoortooda.

Kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool waxaa la siiyay 40 biladood oo ay u qeybiyaan ciyaartoydooda iyo shaqaalaha kooxda xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Sida haatan uu sharciga yahay, 23 ciyaaryahan ayaa hubaal ah inay helayaan bilada haddii ay saftaan shan kulan ama ka badan horyaalka xilli cutaareedkii.

Laakiin qof walba ma heli doono bilada sida ku dhacday xiddigo waa weyn oo hore ugu soo guuleystay horyaalka.

Garry Neville

Halyeeyga Man United Gary Neville wuxuu Manchester United kula guuleystay SIDEED biladood oo horyaalka Premier League ah, waxay u noqon laheyd 10 biladood haddii labo xilli ciyaareed oo aan bilad la siinin loo xisaabin lahaa.

Neville wuxuu kulankiisii ugu horeysay u saftay kooxda xilli ciyaareedkii 1993-94 laakiin kaliya hal kulan ayuu saftay xilli ciyaareedkaas iyadoo markaas looga baahnaa ciyaartoyda inay 10 kulan saftaan si ay bilada u helaan, waxaana sharciga loo bedeshay shan kulan sannadkii 2012.

Ka dib xilli ciyaareedkii 2009-10 markii ay United qaaday horyaalka, Neville wuxuu saftay xilli ciyaareedkaas afar kulan ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisanin iyadoo xilli ciyaareedka uu socdo.

Mohamed Salah

Xiddiga reer Masar bilada Premier League wuxuu qaaday xilli ciyaareedkii la soo dhaafay isagoo ka caawiyay Liverpool hanashada Premier League. Laakiin isagoo amaah uga tagay kooxda horyaalka ku guuleysatay Chelsea iyadoo xilli ciyaareedka 2014-15 uu socdo, Mo Salah ma uusan helin bilad madaama uu u saftay Blues xilli ciyaareedkaas seddex kulan.

Xiddigii lagu soo bedeshay Cuadrado oo kooxda ku fashilmay ayaa biladiisa qaatay madaama uu u saftay Blues 14 kulan.

OWEN HARGREAVES

Madaama uu dhaawacyo badnaa xiddigii hore ee Bayern Munich, la yaab ma ahan inuu seegay biladihii Premier League ee Manchester United. Wuxuu Man United la qaaday kaliya hal bilad xilli ciyaareedkii 2008 laakiin wuxuu seegay xilli ciyaareedyadii 2009 iyo 2011.

Markii ay Manchester City ku guuleysatay horyaalka sannadkii 2012 sidoo kale wuu seegay bilada Premier League madaama uu saftay kaliya hal kulan.

FEDERICO MACHEDA

Macheda nasiibdarro ayay ku aheyd inuu seegay bilada Premier League gaar ahaan wixii uu sameeyay kulankii uu badbaadiyay Man United ee Aston Villa ay 3-2 kaga badiyeen taasoo horseed u noqotay hanashadooda horyaalka sannadkii 2009.

Wuxuu ciyaaray afar kulan xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay labo gool, laakiin wax bilad ah ma uusan helin.

Macheda wuxuu sidoo kale bilada horyaalka seegay xilli ciyaareedkii 2010-11.

NEMANJA MATIC

Burburiyaha khadka dhexe ayaa seegay bilada Premier League sannadkiisii ugu horeysay ee Chelsea iyadoo tababare Carlo Ancelotti uu ciyaarsiiyay kaliya labo kulan xilli ciyaareedkii ay labada koob isku qaadeen ee 2009-10.

Laakiin Matic ayaa bilada horyaalka ku guuleystay sannadihii 2015 iyo 2017.

WES BROWN

Daafaca Man United wuxuu ku guuleystay shan horyaal intii uu ka hoos ciyaarayay Sir Alex Ferguson.

Si kastaba, wuxuu saftay kaliya sideed kulan xilli ciyaareedkii 2008-09 sababo la xiriira dhaawac iyadoo waqtigaas uu sharciga ahaa in ciyaaryahan uu safto 10 kulan si uu u helo bilada horyaalka.

Labo sannadood ka dib taariikhda ayaa dib isku qortay wuxuu seegay bilad kale.

MICAH RICHARDS

Sannadkii 2012, Micah Richards wuxuu ahaa xiddigihii Man City ka caawiyay horyaalkoodii ugu horeysay ee Premier League.

Laakiin xilli ciyaareedkii 2013-14 wuxuu saftay kaliya labo kulan horyaalka sababo la xiriira dhaawacyo iyo qaab ciyaareed liita taasoo keentay inuu seego bilada horyaalka.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*