Miyuu Virgil van Dijk Taam Buuxa U Noqon Doonaa Kulanka Man City? – Jurgen Klopp Oo Jawaab Ka Bixyay.

Advertisements

Tababare Jurgen Klopp ayaa soo afjaray cabsidii ay jamaahiirta Liverpool ka qabeen in Virgil van Dijk uu seego kulanka weyn ee Axadda ka dhici doona Anfield, xiddigaan heerka caalami ayaa shaki la galiyay inuu kasoo muuqan karo kulankaan kadib markii uu seegay tababarka kooxda.

Jamaahiirta Reds ayaa walaac badan ka muujiyay xaaladda xiddigaan heerka caalami, balse Jurgen ayaa xaqiijiyay inuu taam buuxa u yahay kulanka Axadda ka dhici doona Anfield.

Jurgen wuxuu xaqiijiyay in Virgil van Dijk uusan dhaawac ku seegin tababarka kooxda, dib ayuuna kaga soo laabtay wadankiisa kadib markii uu wakhti lasoo qaatay qoyska boqortooyada Holland.

“Virgil sabab kale ayey aheyd inuusan shalay nala joogin, balse wuu fiican yahay” ayuu yiri Jurgen Klopp oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor ciyaarta Axadda.

Advertisements

Sidoo kale Klopp wuxuu xaqiijiyay in kabtan Jordan Henderson uu taam buuxa u yahay ciyaarta kadib markii uu xanuun ku seegay kulankii Genk.

“Jordan wuu caafimaad qabaa, Matip wuu maqan yahay si la mid ah Shaqiri iyo Clyne, waana wax iska cad”

Comments are closed.