Tababaraha kooxda Ajax ee Ronald De Boer ayaa ka hadlay haddiiba Donny Van De Beek uu rabo inuu iskaga tago Manchester United kaddib markii uu ku adkaaday xilli ciyaareedkiisii koowaad ee uu ku qaadanayo kooxdaas isla markaana ay ku yaraatay fursada uu ku ciyaarayaa.
Khadkan dhexe oo 23 sano jir ah ayaa kaliya 2 kulan oo horyaalka ah ugu soo bilawday Manchester tan iyo markii uu heshiiska 40-ka Milyan ee Pound ah ku yimid Old Trafford xagaagii hore.
Si kastaba, De Boer oo qalbiga u qaboojiyay taageerayaasha Manchester United ee wali rajada ka qaba Van De Beek ayaa sheegay inay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya inuu bixitaan doonayo.
Ronaldo oo uu walaalkii Frank De Boer-na yahay tababaraha Van De Beek ee xulka Holland ayaa sheegay in ciyaaryahanku uu ku mashquulsan yahay inuu kusoo laabto taam ahaanshaha buuxa kaddib dhaawac dhawaanahan u diiday garoomada.
Van De Beek ayay ku adkaatay inuu xilli ciyaareedkan wax saamayn ah oo muuqata ku sameeyo Man United iyadoo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu ka doorbidayo ciyaaryahanada kale ee uu khadka dhexe u haysto.
Taas ayaa dhalisay in saxaafadu ay si deg-deg ah usoo hadal qaado inuu iskaga tagayo Old Trafford kaddib marka uu hal xilli ciyaareed oo dhammaystiran ku qaato iyadoo lala xidhiidhinayay inuu ku laabanayo Ajax.
Ronald De Boer ayaa yidhi isaga oo talkSPORT la hadlayay “Waxaan la hadlay Ajax waxaana ay yidhaahdeen inaysan jirin wax ka run ahi gabi ahaanba”
“Isagu ma uusan weydiisan inuu iyaga la hadlo, isagu kaliya waxa uu diirada saarayaa kasoo kabashada canqawgiisa, dhabna ma aha inuu Man United weydiistay inuu baxo”
“Wakiilkiisa ayaa ii sheegay in dabcan uusan ku faraxsanayn inuusan ciyaarayn , isagu kaliya laba kulan ayuu ugu soo bilawday Solskjaer taasina maaha wixii uu rajaynayay markii uu ku biiray Man United”
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora