Kabtanka xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa xalay bedel kaga baxay kulankii uu xulkiisu bar-bardhaca lasoo galay dhigiida Greece iyadoo arrintaasi wer-wer cusub ku abuurtay kooxdiisa oo kulamo muhiim ahi sugayaan ciyaaraha caalamiga ah kaddib.
Ramos ayaa ahaa mid dhawaan lagu sameeyay qaliin isaga oo mudo kooban kahor kasoo kabtay isla markaana kulamo aan badnayn oo intooda badan bedel lagu samaynayay usoo ciyaaray kooxdiisa.
Markale xalay Ramos ayaa wakhtigii nasashada uu tababare Luis Enrique bedelay, 34 sano jirkaas ayaan marnaba u muuqan mid nafis ku dareemayay garoonka dhexdiisa isaga oo qalday lix kamida 12 baas oo uu isku dayay inuu sameeyo.
Jilibkii dhawaan qaliinka lagaga sameeyay ayaa ah mid wali la dhawrayo balse ma aysan ahayn sababta xalay bedelka loogu sameeyay midaas, tababare Enrique ayaa sheegay sida uu u doonayo inuu maamulo daqiiqadaha uu ciyaaryahankiisu ciyaarayo.
Tababarihii hore ee Barcelona ayaa doonaya inuu dhammaan kulamada Spain ee loogu soo baxayo koobka aduunka 2022 ciyaarsiiyo Ramos balse uu taxadar ku ciyaarsiiyo.
Sababta Sergio xalay loo bedelay ayaa wer-wer yar ku abuuraysa kooxdiisa Real Madrid balse waxa uu u muuqdaa mid aan waxba qabin oo kasoo muuqan kara kulamada muhiimka ah ee Los Blancos sugaya.
Madrid ayaa kaddib kulamada caalamiga ah ugu horreynba kulan horyaalka La Liga ah la ciyaari doonta Eibar kahor inta aysan laba kulan oo uu u dhaxeeyo kulan Barcelona ahi la ciyaarin Liverpool
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora