Miyuu Ronaldinho Kasoo Kabtan Karaa Dhibaatada Jeelka Uu Ku Xidhan Yahay Kasoo Gaadhay? – Rivaldo Ayaa Ka Hadlay

Advertisements

Halyeygii reer Brazil ee Ronaldinho waxa uu ku jiraa jeel ku yaalla waddanka Paraguay oo lagu xidhay kaddib markii uu baasaboor been abuur ah ku tegay dalkaas, xilli ay dawladda dalkiisu ka xannibtay baasaboorkiisii sababo la xidhiidha dembi loo haystay.

Muddada uu xabsiga ku jiray, waxa Ronaldinho ay ugu beegantay waqtigii uu xusayay xafladda dhalashadiisa oo sidii hore looga bartay uu u samayn jiray xaflado waaweyn, hase yeeshee markan taasi may dhicin.

Halyeeyadii reer Brazil ee ay xulka qarankooda u wada qaadeen Koobkii Adduunka 2002 ayaanay qaarkood xataa xidhiidh la samaynin muddadii uu xidhnaa, waxaana kaliya ay farriimo hambalyo oo dhalashadiisa ku beegnaa ugu direen baraha bulshada.

Xiddigahan waxa ka mid ah Rivaldo oo qirtay in aanu mar kaliya xidhiidh la samaynin, laakiin waxa uu tibaaxay in marka uu jeelka kasoo baxo, uu Ronaldinho kasoo kaban doono dhaawaca sumcadda iyo qalbi jabka uu ka qaaday xidhiggaas, waxaanu yidhi: “Anigu lamaan hadal tan iyo markii la xidhay. Dhinacayga, waxa kaliya oo aan u diri karayay farriimo dhiirigelin ah iyo inaan u rajeeyo in si fiican ku dhamaadaan.”

Advertisements

“Waa wax laga murugoodo in waqtigii dhalashadaada aad ku xidhnaato waddan dibadeed, laakiin marka ay tani soo dhamaato, Ronaldinho wuxuu soo bixi doonaa isaga oo xooggan.” ayuu yidhi.

Ronaldinho ayaan la ogeyn muddada rasmiga ah ee uu xidhnaan doono, hase yeeshee waxa jiray isku-dayo aan guuleysanin oo qareennadiisu ay doonayeen in lacag loogu beddelo jeelka.

 

 

Comments are closed.