Miyuu Paul Pogba Ciyaarayaa Kulanka Weyn Ee Ay Man United Qaabilayso Arsenal Toddobaadkan? Tababare Solskjaer Ayaa Ka Jawaabay Su’aashan Muhiimka Ah.

Advertisements

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay xaalada dhaawac kasoo kabasho ee khadka dhexe ee kooxdiisa Paul Pogba iyo haddii uu taam buuxa u yahay kulanka ay Arsenal qaabilayaan toddobaadkan.

Pogba ayaa ka maqnaa Red Devils tan iyo kulankii ay bar-bardhaca niyad jabka leh lasoo galeen kooxda Southampton isagoo intaas kaddib seegay kulamo caalami ah oo uu xulkiisa France lahaa iyo kuwo kale oo ay United ciyaartay.

Dabcan Manchester ayaa si weyn hanaankeeda ciyaareed looga dareemayay gaabis mudadii uu ka maqnaa Paul oo ah xubinta ugu muhiimsan khadkooda dhexe iyo guud ahaan safka haatan Old Trafford ku suganba.

Ole oo saxaafada u warramay ayaa sheegay inuu xiddigiisu uu diyaar u yahay kulanka ay Gunners qaabili doonaan isla markaana uu daqiiqadoba ka ciyaari doono kulanka midkaas kasoo horreeya ee ay kooxda Rochdale la ciyaarayaan tartanka Carabao Cup.

Advertisements

OGS oo ka hadlaya xaalada Pogba ayaa yidhi “Waxaan filayaa inuu daqiiqado ka heli doono kulanka aanu wajahayno Rochdale laakiin waxa aanu hubaashii filaynaa inuu diyaar u yahay Arsenal”.

Kahor kulankii ay West Ham United guuldarrada kala soo kulmeen toddobaadkan ayuu Solskjaer sidoo kale yidhi “Waxaan ku rajo weynahay inuu diyaar u noqon doono Rochdale badhtamaha toddobaadka, Haatan ayunbuu tababarka bilaabay”.