Miyuu Paul Pogba Baraha Bulshada Ka Wadaa Olole Uu Ku Doonayo Inuu Dib Ugu Laabto Juventus  – Warbaahinta Talyaaniga Oo Buun-buunineysa.

Advertisements

Paul Pogba ayaa baraha bulshada ka wado olole uu ku doonayo inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore Juventus sida ay qabaan warbaahinta Italy, gaar ahaan wargeyska Turin kasoo baxa ee Tuttosport.

Xiddigaan heerka caalami ayaa isaga soo tagay Bianconerri si uu dib ugu soo biiro kooxdii uu kusoo barbaaray ee Man United sanadkii 2016, wuxuuna noqday xiddiga dunida ugu qaalisan wakhtigaas maadaama uu Old Trafford ku yimid 89 Malyan oo Pound.

Xiddigaan kuma faraxsana nolosha kooxdiisa, wuxuuna xagaagii laga soo gudbay ka dhawaajiyay inuu meel kale tartan ka bilaabi doono, kooxda Real Madrid ayaa xiiso usoo bandhigtay balse wey ku fashilmeen iney la saxiixdaan.

Wargeyska Tuttosport ayaa ka dhawaajiyay in Paul Pogba uu daneynayo dib ugu laabashada Turin, waxeyn daliil usoo qaateen qoraal uu kasoo qoray Instagram-ka xilli uu ka ra’yi dhiibanayay sawir uu soo dhigay Leanardo Bonucci.

Kabtankii Juventus ee kulankii Lokomotiv Moscow (Bonucci) ayaa instagram-ka soo dhigay sawir ay ku wadajiraan ciyaartoyda kooxda oo u dabaal dagaya iney xaqiijiyeen usoo bixitaanka wareega 16-ka koobka horyaalada yurub, wuxuuna kusoo qoray.

Advertisements

“Capitanoooooo iyo laba sawir oo muujinaya jaceylka uu kooxda u qabo”

Sidoo kale waxaa jirta xan ku saabsan in Bianconerri ay dooneyso mar kale iney xiddigaan gudaha talyaaniga kusoo celiso, maadaama ay aaminsan yahiin inuu sida Cristiano Ronaldo ganacsi badan sameyn karo.

Comments are closed.