Miyuu Ole Gunnar Solskjaer Saxiixyada Bishaan January Doonayaa Inuu Ku Badbaadsado Shaqadiisa? Isaga Ayaa Ka Jawaabaya.

Advertisements

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka dhawaajiyay inuusan qorshe dhaw ka laheyn saxiixyada uu damacsan yahay inuu kooxda keeno, wuxuuna hadalkaan kaga jawaabayay su’aal kusoo noq-noqotay oo la xiriirtay hadii uu shaqadiisa ku badbaadsanayo.

Solskjaer kooxdiisa waxey la dhibtooneysaa dhaawacyo, 7-xiddig ayaa kooxda ka maqan oo ay ku jiraan Paul Pogba iyo Scott McTominay oo ah kuwa ugu muhiimsan.

Kabtankii hore Man United Gary Neville ayaa u sheegay saaxiibkiisii hore inuu u baahan yahay saxiixyo si uu shaqadiisa halista ku jirta u badbaadsado.

Balse Ole Gunnar wuxuu ka dhawaajiyay in ujeedadiisa aysan aheyn inuu saxiixyadaas shaqadiisa ku badbaadsado, balse uu wax walba ka hormarinayo kooxda.

Advertisements

“Maya, gabi ahaanba sidaas maahan” ayuu yiri Ole Gunnar. “Ma doonayo inaan nafteyda difaaco, waxaan doonayaa inaan sameeyo wax kooxda u fiican, waxa aan ku fakarayo iyo waxa aan dareemaayo waa iney kooxda u fiican yahiin, waligey nafteyda kooxda kama hormarin” ayuu mar kale yiri.

Si kastaba Ole Gunnar wuxuu aaminsan yahay inuu mar walba kooxda ka hormarinayo naftiisa, isal markaana qorshahiisa dhan uu yahay inuu hormarin ku sameeyo kooxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.