Miyuu Jurgen Klopp Hurdo La’aan Ka Qaaday Natiijadii 8-0 Ka Ahayd Ee Ay Man City Ku Badisay Toddobaadkan? Isaga Ayaa Jawaab Ka Bixiyay.

Advertisements

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay kulankii ay dhawaan kooxda ay horyaalka ku xifaaltamayaan ee Manchester City 8-0 kaga guuleysatay dhigeeda Watford oo marti ugu ahayd Etihad Stadium.

Iyadoo kulankaas ay City ku guuleysatay inay ku dhawaato Liverpool ayay markale xiddigaha Klopp ku najaxeen inay soo ceshadaan hoggaankoodii shanta dhibcood ahaa ee horyaalka kaddib guushii 1-2 ka ahayd ee ay Chelsea kasoo gadheen.

Kaddib kulankii ay Reds Bridge kaga soo adkaadeen Blues, Tababare Klopp ayaa amaanay City isaga oo dhinaca kale sheegay inaysan hurdadiisa saamayn ku yeelan natiijadoodii oo uu si wanaagsan u seexday.

Jurgen ayaa yidhi “Waxaan doonayay inaan goolasha daawado, Waxaan daawaday laba daqiiqo, 50 ilbidhiqsi si kooban kaddib markii aan ka tagay xerada tababarka”.

“Siddeed gool iyo laba jeer oo ay birta garaaceen, Waxaan u baahanahay inaan si dhammaystiran u daawado si aan dhab ahaantii u fahmo”.

Advertisements

“Watford waxa ay u ahayd maalin adag, Haddii ay kaasoo gaadhi karto sidani koox dunida ka jirta waxay noqonaysaa City, Waxaanu ku jirnay xaalad lamid ah markii aanu halkaas ku guuldaraysanay waxaan filayaa inay ahayd 5-0”.

“Hadii aad ku ciyaarayso tobban ciyaartoy meesha ugu xun dunidu waa Manchester City, Waxaan u seexday si wanaagsan”

Comments are closed.