Miyuu Haaland Isku Arkaa Inuu La Heer Noqday Ronaldo Iyo Messi Hadda? Da’yarka Ree Norway Oo Jawaab Cad Bixiyay

Da’yarka kooxda Borussia Dortmund iyo xulka qaranka Norway ee Erling Haaland ayaa ka hadlay haddii uu isku arko mid la heer noqday xiddigaha kubadda cagta kasoo talinayay 15-kii sano ee ugu dambeeyay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Advertisements

Haaland ayaa markale qaadanaya xilli ciyaareed heer sarre ah isaga oo 33 gool kusoo dhaliyay 31 kulan oo uu kooxdaas u ciyaaray, qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayaa sababay in lala xidhiidhiyo inta badan kooxaha ugu waaweyn Yurub.

Sensational' Haaland backed to reach Ronaldo & Messi's levels

Iyadoo uu hadda Messi 34 sano jir yahay isla markaana uu Ronaldo 36 sano jir yahay ayay dadka in badani isha ku hayaan xiddigaha hormoodka u noqon doona jiilka cusub iyadoo ay dad badani u arkaan in Erling Haaland iyo Kylian Mbappe oo Paris Saint-Germain ka tirsani ay kaalmahaas buuxin doonaan.

Haaland oo dhawaan la hadlay wargeyska Norwegian-ka ah ee Daglabet ayaa la weydiiyay isbar-bardhiga lagula sameeyo Ronaldo iyo Messi waxaana uu sheegay inay tahay inuu wali horumaro si uu heerkooda u gaadho.

Advertisements

“Kaliya waxaan ka fikiraa naftayda, inaan ciyaartayda horumariyo maalin kasta” ayuu ugu horreynba yidhi Erling oo Daglabet kala hadlayay isbar-bardhiga isaga lagula sameeyo Messi iyo Ronaldo.

“Anigu uma baahno inaan ka hadlo Messi ama Ronaldo, kuwaas oo laga yaabo inay yihiin ciyaaryahanada ugu wanaagsan abid taariikhda, wali wax badan ayaan u baahanahay si aan iyaga u gaadho”

Messi ayaa xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan 4 gool dheer Haaland halka uu Ronaldo 30 gool soo dhaliyay oo uu isaga 3 gool ka hooseeyo.

Haaland ayaa loo saadaalinayaa inuu mustaqbalka ku guuleysan karo abaalmarinta Ballon d’Or oo uu Messi lix jeer soo hantay isla markaana Ronaldo 5 jeer kusoo guuleystay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*